Wasiir Xukumadda Ka Tirsan Oo Xididadda U Siibay Geed Gob Ah.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi ayaa xididadda u siibay Geed Gobka ah oo dhadig ah oo ku yaalay gudaha Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda, Geedkaas oo dhererkiisu uu ahaa ku dhawaad 6-joog oo ah qiyaasta cabirka dhererka sare, geedkaasi oo caan ku ahaa midho macaan oo waaweyn, kaasoo ay quudan jireen dad iyo xoolaba.
Haddaba annagoo ka duulaya sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobkiisa 18-aad ee Deegaanka iyo Wax-ka Qabashada Aafooyinka, Farqadiisa 1-aad, in Dawladdu ay mudnaan gaar ah siinayso illaalinta iyo fayo-qabka deegaanka kaasoo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka, sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya, kaasoo ah Xeerka Illaalinta Kaymaha, Dhirta Iyo Duur-Joogta (Xeer Lr. 69/2015), Qodobkiis, 7-aad Ilaalinta iyo Isticmaalka Dhirta iyo Dhul Daaqsimeedka, Farqadiisa 1-aad, Lama goyn karo, gubi karo ama xididada looma saari karo si khaldana looma isticmaali karo dhirta Somaliland.
Sidaa awgeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi, Gudiga Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiiladda, Golaha Guurtidda, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka, Gudiga Illaalinta Deegaanka ee Heer Qaran (GIDHQ), Ururadda rayidka ah ee ku hawlan arrrimaha deegaanka iyo Ururada Caalamiga ah ee Illaaliya Xuquuqda Dhirta, waxaanu ka codsanaynaa in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado wasiirkan qudh gooyada ku sameeyey geedka gobka ah, waxay arrintani masaal iyo tusaale u noqon doontaa dadka xadgudubyada ku sameeya dhirta lama gooyaanka ah, haddii aad dhayalsataana waxaad dhaxashaan waa ceeb iyo cadho Eebe. ‘

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso