“Madaxweynaha Sharciga Ayaa U Ogol Inuu La Hadlo Cid Kasta Oo Qaddiyadeenna Laga Dhaadhicinayo” Cabdillaahi Cukuse

“Madaxweynaha Sharciga Ayaa U Ogol Inuu La Hadlo Cid Kasta Oo Qaddiyadeenna Laga Dhaadhicinayo” Cabdillaahi Cukuse

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Xilal Wasiir ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siillaanyo, ayaa ka hadlay dhaliillo maalmihii u dambeeyey loo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Xaramka kula kulmay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somalia.

Cabdillaahi Cukuse oo u warramayey Telefishanka Horn Cable Tv, waxa uu xusay in sharcigu ogol yahay inuu la kulmo cid kasta oo uu wada hadal la geli karo, waxaanu yidhi “Marka hore waxaan aad iyo aad uga Xumahay in shacabka reer Somaliland iyaga oo Madax ama siyaasiyiin ama shacaba ah ay imika ku badan tahay in aynu isku riix riixno Xamar bu hebel la hadlay iyo Xamar ayuu Arkay iyo Xamar ayaa la kulantay iyo waxaan inta dhaamin, dabadeetana nay laga dhigo dad ducufo ah oo Masaakiina oo ay helayaan niman markiiba maskaxda kala baxaaya sidii qalin shubatadii la odhan jiray waxbay ka dhuftaan dadka oo kale, anigu aragti ahaan waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland (Muuse Biixi Cabdi) waxa uu joog Xaramkii Illaahay muqdisho muu tegin ee mako ayuu jooga, MAKKA marka uu joogana cid Alle cidii uu la kulmana waa umad Islaama oo Xaramka timdi mideeda kalena  Xaramka qofka ugu  la kulmaana waa qof gurigaagii kuugu yimid meeshuna ay Xaramkii Illaahay tahay in aad Salaami waydo ama aad Salaanta ka qaadi wayda meel aliyaa la meelay ku qoran tahay ma jirto”

Siyaasi Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata waxa uu difaacay Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi kulanka uu wasiiradda dalka Somalia Magaaladda Barakaysan ee MAKKA kula soo kulmay waxaanu yidhi “Waxa ta dheer Madaxweynaha Somaliland isaga sharciga ayaaba u ogol in uu la kulmo cid kasta oo uu wada hadalo la geli karaayo si xal loogu helo qadiyaddeena  aqoonsiga ee Somaliland raadinayso 29 sanno, waayo Qaddiyaddeena marna waxaynu u taaganahay dagaal aynu ku meel marinayno inay Somaliland noqoto dad iyo dal gooni isku taagay oo dunida dunida laga aqoonsan yahay , marna hadii ay kalifto waxaynu ku deyeyna in aynu iska maslaxno intii aynu karayno wixii ina daba socda oo dhan, Madaxweynaha Somaliland labada xilba waxyabaha aynu u dooranay ayey ka mid yihiin, laakiin anigu kulanka wuxuumbaan u arka  hadii aad xata qofka cadhadiisii iska dhinto maalinta aad salaanto cadhadiisii iyo nacaybkiisii wax ayaad ka dhintay wax tarna way u tahay Somaliland, laakiin yeynaan odhanin hadii qof reer Somaliland ahi qof reer Xamara la soo kulmo markiiba qofka Somalilandernimadii waa laga shubtay oo khatar ayey Somaliland gelaysa, waar Somaliland khatar ma gelayso oo Somaliland hore ayey wada hadalo u la gashay Somalida Muqdisho waanay la geli doonta mar kasta oo ay dantu khasabto”

Cabdilaahi (Cukuse) oo Cabdishakuur Dayib waydiiyey  in Madaxweynaha Maanta Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye wakhtigii ololaha doorashadda ay ku kaambeyn garayn jireen kuna soo geleen in cida madaxda Somalia la kulanta ama la hadasha ay dambiile qaran Somaliland ka yihiin iyo inay maanta la kulmeen madaxdii Somalia waxa uu ku jawaabay“Hadii ay jirtay taasi way jirtayba ee (Wakhtigii ololaha doorashadda in Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye ololaha doorashadda ku soo geleen in madaxda iyo dadka reer Somaliland aanay la kulmin lana hadli doonin madaxda Somalia) ma ahayn dana arin dadka oo dhami ku faraxsan yihiin in Somaliland ay gudaheeda isku sheeg sheegto waxaan meeshaba ku jirin oo dad aynu is hayno aynu isku shaambadayno , adiguna maaha shalay ayaa la yidhi oo maanta ayaan odhanayaa, labada midna maaha wax qurux badan, waxa ka wanaagsan dhamaanteen reer Somaliland ayeynu nahay ee marka la xilfatamaayo ee wax la kala jiidanaayo ee siyaasadda lagu tartamaayo kun wado oo kale ayaa jira oo kun siyaabood oo kale ayaa jira oo wax laysku odhan karo”

Siyaasi Cabdilaahi (Cukuse) oo wax laga waydiiyey Xisbiga uu ku abirsado ee Kulmiye ee Madaxweynaha maanta md Muuse Biixi Cabdi taladda dalka keenay  sida uu u arko qaabka uu taladii dalka u maamulayo iyo Jabhadda Kornayl Caare iyo Xaaladda kale ee Bariga Somaliland ka aluusan inay siyaasad xumadiisa tahay waxa uu ku jawaabay “Aniga xaaladda dalku si wanaagsan ayey ii la muuqata dadkana kuwa leh dhiiqo ayaa lagu jira iyo waxba burburay waxa ay arkayaan anigu ma arkaayo iima muuqdaan anigu waxaan gashanahay muraayad kale, waxaan arkayaa in dalku ka sii fiicnaanayo sidii uu hore u ahaa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaan arkayaa in dawladnimadeeni ay lagaheeda isku sii taagayso, waxaan arkayaa  inay siyaasaddii arimaha dibadda ee Somaliland sii korayso, waxaan arkayaa inta Muuse Biixi  dalka GINNEA uu tegay ay Somalia inta aad og tahay xanaaqa leeg ay xanaaqayso, waxaan arkayaa talaabooyin wax ku ool ah oo la qaadayo, laakiin ma arkaayo wax sii burburaaya iyo wax sii dumaaya toona, madaxweynaha iyo shacabkana waxaan leeyahay waar dalka iyo dadkaba dhamaanteen waa in aynu ka wada shaqayno sidii ay arimaha jira (Jabhada Kornayl Caare iyo Dagaalka Ceel-Afweyn) u soo afgo’I lahaayeen”

Advertisement

Ku Xayeysiiso