Booliska oo Qabtay Nin Hargeysa Dil ku Geystay

Taliska ciidammada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu magacaabo  Mustafe Sheekh  Maxamed Faarax (Khaarajiye) oo tooray ku dilay  Marxuum lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Weyd (Caddaani Weyd) oo Hargeysa lagu  dilay xalay.

Taliye ku xigeenka  Booliska Somaliland  Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle  oo ka warbixiyey dhacdan  iyo sidii ay ciidammadu gacanta ugu soo dhigeen eedaysanahan  ayaa sheegay  in xidheen ninkaas oo baxsad ahaa.

Taliye ku-xigeenku  wuxuu  intaas ku daray in ciidammadu ay ku guulaysteen qabashada ninka falkan dilka ah geystay laba saacadood ka dib markii uu dilkaas geystay.

Dilkan ayaa ka dhacay  xaafadda lagu magacaabo Qoob-Dameeraad oo ka tirsan degmada Gacan libaax ee magaaladda Hargeysa. Gacan ku dhiiglaha dilkan geystay  iyo marxuumka dilka loo geystay ayaa labadoodaba taliye ku xigeenku da’dooda ku sheegay 50 sanno jir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso