“Anagoo ka dareen celinayna geeridii walaasheen Hodan Naaleeye waxaanu ugu nagac darnay….”- xoghayaha laascaanood

“Anagoo ka dareen celinayna geeridii walaasheen Marxuumad Hodan Naalaye waxaanu ugu nagac darnay….”- xoghayaha dawlada hoose ee laascaanood

Laascaanood (Togaherer) Wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Cusbitaalka guud ee laascaanood iyo goolada badhtamaha magaalada.
Ayaa loogu magac daray marxuumad Hodan Naalaye oo 12 bishan ku geeriyootay magaaladda kismaanyo iyada iyo saygeedii,
xoghayaha dawlada hoose ee degmada laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Gaas oo ka hadlay magaca wadadan ayaa sheegay in wadadaasi loogu magac daray marxuumad Hodan Naalaye si loogu xasuusto howlihii dhanka samafalka ee ay ugu horaysay waxbarida caruurta danyarta ah ee waalidiin-tood awoodin inay u diraan waxbarashadda,

Wadadan Ayaa Loogu Magac Daray Alle Haw Naxariiste Hodan Nalaye Waana Wadada Halbawlaha Ee Isku Xidha Hospitalka Laascaanood Iyo Suuq Waynaha Magaaladda.

“Anagoo ka dareen celinayna geeridii murugada lahayd ee inakaga timi walaasheen hodan naalayeh taasoo runtii dhaawacday quluubta umada gaar ahaan inta ku hadashada afka somaliga taasoo dhacday 12/7/2019.
Oo maanta laga joogo mudo dhan 8 cisho.
Anagoo doonayna inaan markasta xusuusani taariikhda hodan naalayeh waxaan ugu magacdarnay maanta wadada wayn ee halbawlaha magaalada laascaanood ee isku xidha badhtamaha magaalada iyo dhakhtarka wayn waxaanuna u bixinay HODAN NAALAYEH ROAD .
Waxaan kaloo bulshada ucadaynayanaa inaanay hodan naalayeh ladhimanin waxtarkii umada ee uu yahay mid markastana lagu xusuusan doono siina socon doona.”. sidaa ayuu yidhi xoghaye Cabdiraxmaan.

marxuumadda ayaa mashaariic ka waday Gobolada Sool iyo Sanaag. Rabbi ha u naxariistee . Hodan naalaye waxay ku dhalatay magaalada laascaanood, waxay-se ku barbaartay waxna ku baratay dalka kanada

Waxaa mahad Celinta Iska Leh Mishiinka Kala Wadda Dawladda Hose Degmadda Laascaanood Abdiraxmaan Khadar Mahamuud Gaas


Advertisement

Ku Xayeysiiso