Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wafi uu hogaaminayo Madaxa Haayada UN HABITAT ee Wadanka Kenya Mr ISHUKU MAITUMBI.

Kulankani oo ka qabsoomay xafiiska Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa ku wahilanayey Agaasimaha Guud ee WQ&HQ Agaasimayaasha waaxaha Qorshaynta iyo isku-dubaridka ee Wasaaradda,dhanka waftiga waxaa ku wehelinayey Wakiilka Saraakiil sarsare oo ka tirsan Haayada UNFPA Wadanka Kenya iyo Nimco Maxamuud oo ka socotay Safaarada Zweserland wadanka Keenya.

intii kulanku socday ayaa waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka oo uu maal-galinayo Midawga Yurub,iyadoo kor loo qaadayo dakhliga Dawlaha Hoose,Maaraynta Qashinka iyo kor uqaadida Ganacsiyada yar yar iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale intii kulankani socday waxaa laga wada hadlay sidii loo loo horumarin lahaa Barnaamijka Maamul daadajinta ee (JPLJga) iyo sidii loogu soo dari lahaa Magaalinka hadhsan ee Bariga.

Dhamaan Mashaariicdani waxay kaalin wayn ka gaysanayaan sidii loo gaadhi lahaa Hiigsiga iyo Himilada fog ee qaranka,waxayna dhamaan tood ku astaysan yihiin Mudnaaaha Horumarinta Qaranka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso