Stephen Doughty oo Baarlamaanka UK u soo Jeediyey inay ku Biiraan Magaalooyinka Dalkaas ee ku Baaqay Aqoonsiga Somaliland

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK ayaa ammaanay tallaabadii Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ay ku aqoonsadeen dhawaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Stephen Doughty wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Ingiriisku,waxaanu xildhibaanku bartiisa Twitterka ku baahiyey inuu fursad u helay inuu bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham isla markaana uu baarlamaanka UK ku booriyey inay ku soo biiraan Magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlet oo hore u soo jeediyey in la ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uu Baarlamaanka Ingiriiska ka sheegay in qurba jooga Somaliland ee ku nool UK ay taageero ka geysteen horumarka iyo ganacsiga Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart ayaa isna fadhigaas ka xaqiijiyey in qurbajooga Somaliland ee UK ay si xoogle ugu ololeeyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay inay ka hawlgalaan sidii Somaliland u xakameyn laheyd Gudniinka fircooniga ah.

Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska wuxuu xusay in Jaaliyadda Somaliland ee UK ay dalkooda ka saacidaan sidii ay u geyn lahaayeen khubarro gacan ka geysata mashaariic ka socda Somaliland.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Waa markii labaad ee Xildhibaan Stephen Doughty uu muddo laba bilood gudahood ah Baarlamaanka Ingiriiska ku soo hadal qaado Qaddiyadda JSL.

Cumar Maxamed Faarax

Advertisement

Ku Xayeysiiso