Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay inay Tayeynayso Ciidammada Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa kormeeray Taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Abaandulaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland sareeye guuto Siciid Af-guduud, ayaa wasiirka warbixn ka siiyey xaaladda ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu sheegay in ciidanka qaranku ay hadda ku sugan yihiin marxalad fiican, diyaarna u yihiin inay ka hortagaan wax kasta oo dhib ku ah qaranimada Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay halkaasi ayaa Wasiirka uga mahadceliyay kormeerkan uu ugu yimid ciidanka qaranka Somaliland xaruntooda taliska guud, waxaanu sharraxay waajibaadka iyo ahmiyadda    ay ciidanka qaranku ugu fadhiyaan guud ahaan qaranka Somaliland, taas oo tan iyo markii la asaasay ku talaabsanayey horumaro kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay inuu guud ahaan ciidanka qaranka iyo madaxdoodaba uu uga mahadcelinaayo hawsha baaxada leh ee ay qaranka u hayaan, Wasiirka wasaaradda gaashaandhigu waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay dedaal ugu jiraan tayaynta iyo horumarinta guud ahaan ciidammada qaranka Somaliland.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso