Shir Lagu Falanqeynayey Middeynta Dedaalka Hay’adaha xiliga Aafooyinka oo lagu Qabtay Hargeysa

Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka dabiiciga ah iyo keydka Raashinka Qaranka Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa maanta kulan lagaga hadlayey sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka dabiiciga ah u soo gabogabeeyey xubno ka kala socday Hay’adaha dawladda, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ka hawl-gala dalka.

Kulankaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn waxa halkaa ka hadlay guddoomiyaha Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka dabiiciga ah Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo sheegay in kulankaas lagu lafo gurayey sidii loo midayn lahaa isla markaana la iskaga  kaashan lahaa hawlaha ka hortaga  iyo wax ka qabashada Aafooyinka dabiiciga ah, isagoo intaas ku daray guddoomiyuhu in arrintaasi u baahan tahay in ka hortag laga sameeyo oo aan lagu baraarugin marka ay dhibtu timaado.

Guddoomiye Faysal wuxuu ka hadlay doorka ay hay’aduhu ka qaataan marka ay Aafooyinku ka dhacaan dalka, isagoo mahadnaq ballaadhan ujeediyey hay’adaha, waxaanu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dedaalkooda oo ay kala qayb qaataan hawlaha la xidhiidha arrintaas.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso