soomaaliya oo qaaday tubtii burburka ee ugu xumayd abid

soomaaliya oo qaaday tubtii burburka ee ugu xumayd abid

dawlada soomaaliya oo lagu sheego inay tahay federaal ayaa qaaday tubtii burburka ee ee ugu xumayd abid waayo hadda waxa ay ka kooban tahay shan gobol oo mid kastaa gaarkiisa isu maamulo isla markaana u arka haddii ay dawladda dhexe la wareegto awoodo badan in ay iyagu meesha ka bixi karaan sidaa darteed ay geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay arintaa uga hortagi lahaayeen.

talabaad soomaaliya kuma haboona federaal kamana suuro geli karo waayo federaalka waxa loogu talo galay dalalka aadka u waaweyn islamarkaana ay ku nool yihiin dadyaw kala duwan lehna baahiyo kala duwan laakiin wadaaga dhaqanka guud iyo danta guud , taas soomaaliaya kama jirto waxaan ognahay inay yihiin iyaga iska daaye, soomaali oo dhami dad isu diin ah , isku af ah isu dhaqan ah.

hadaba waxa ay ila tahay dadka soomaaliya daneeyaa hadii ay rabaan in  soomaaliya degto waa inay ka guuraan  federaalka , sameeyaan hal dawlad oo dalka maamusha iyo

in aanay qorhsaha ku darsan soomaaliland ee ay faraha kala baxaan.

marka ay kasoo gudbaan ladaa qodob waxa ila tahay inay soomaaliland markaa la hadlaan waxna is weydiin karaan, laakiin inta ay hayaan wadadan maanta waxay ku socdaan god anay kasoo waaqsan karin weligood.

Allaa mahad leh

Abdilahi ali Derie

Tel: 0634465037

Abdilahi_3@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso