Dowladda Federaalka oo cambaareysay isku daygii Afgambi ee ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay isku daygii afgambi ee ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

War ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ayaa tacsi loogu direy dowlada Ethiopia madaxdii lagu diley weeraro ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo magaalada Bahir Dar.

“Dawladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa isku daygii fashilmay ee ujeedkiisu ahaa in lagu afgembiyo xukuumadda sharciga ah ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya. Waxaan ka xunnahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay isku dayga Afgambi, kuna baaqeynaa in la adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta,” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadad Soomaaliya.

Weerar ka dhacay magaalada Bahir Dar ee Is-maamulka Amxaarada ayaa lagu diley Madaxweynihii Is-maamulkaas sidoo kale waxaa magaalada Addis Ababa lagu diley taliyihii guud ee ciidamada Dowlada Ethiopia.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed oo shacabka kala hadlay warbaahinta Itoobiya ayaa cambaareeyay falkaas isku dayga Afgambi,isagoona ugu baaqay Ciidanka Itoobiya iney Difaacdaan dalkooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso