AQOONTII LA BARTAY IYO NOLOSHII MAGAALADU WAXBA KAMAY BADALIN QAABKII LOO NOOLAA XILIGII SOMALIDU GEELA KALA DHACAYSAY EE LA ISUGU FAANAYEY CUDUDA IYO CIIDANKA .

AQOONTII LA BARTAY IYO NOLOSHII MAGAALADU WAXBA KAMAY BADALIN QAABKII LOO NOOLAA XILIGII SOMALIDU GEELA KALA DHACAYSAY EE LA ISUGU FAANAYEY CUDUDA IYO CIIDANKA . !

Habka ay somalidu u noolayd qarniyo badan oo hore iyo xiligii miyiga la joogay ayaa ahaa seban la isku faano xoolaha la kala dhaco, oo la isugu faano xoog iyo xoolo, marka aad suugaanta oo kaydka taariikhda ah dib u raacdo.

Noloshaasi waxa ay sababtay in ilmaha lagu barbaariyo in reerkoogu yahay ka ugu dagaal yahansan ugu xoolo badan uguna taariikh wanaagsan, waxaana farta loogu fiqi jiray reeraha uu reerkooga xafiiltanku ka dhexeeyo iyo cida uu iska ilaalinayo .

Hab nololeedkii noocaa ahaa waxa uu inala soo galay magaalada iyada oo inta badan dadkii aanay waxba ka badelin magaaladii iyo waxbarashadii la bartay ee lahayd mid maadi ah iyo mid diini ahba oo uu qofku wali taagaan yahay halkii dhawr qarni ka hor la taagnaa iyo qaabkii loo noolaa.

Waxa garab socota oo iyaduna uu nidaamkaa in qofwaliba qoladiisa dabada galiyo oo madaxa kala soo jeedsadaa sii dhiirigaliyey in la aaminay in aanu qofna reerkiisa la’aantii waxba noqonayn hadii uu u baahdo waxyaabo ay ka mid tahay in uu hogaaminta iyo talada dalka ka qayb qaato oo rabitaankii qofka waxa laga doorbiday ka reerka .

Waxa wax lala yaabo ah in xataa kuwii dambiyada kala duwan soomaali dhexdeeda ka galay ee isugu jiray xasuuqyadii iyo duqeymihii dadka loo geystay iyo ilaa kuwa argagixisada ah ee maalinwalba umada gumaada in nin waliba reer dabada kula jira oo hadii la is yidhaahdo talaabo ha laga qaado aanu waayeyn cid reernimo iyo tolaayeey ku difaacda.

Dadku way duloobaan hadii aanay xaqa iyo wanaaga isku taageerin oo waxa imanaysa in xaqdarada iyo xumaanta la isku garabsado, taasi oo Ina dhaxalsiinaysaa aayo la’aan iyo bur-bur umadeed oo aanay ka soo kaban Karin dadkeenan dhibaatooyinka dagaalada, qabyaalada iyo qiimo beelka nololeed marba marka ka dambaysa ku soo badanayo.

Waxaa aynu ka hadlaynaa waa dhibaato Ina haysanaysa ilaa inta dadku ka xoroobayaan wax badan oo aasay wanaagii mustaqbalkii iyo qiimeyntii saxda ahayd ee qofka soomaaliga ahi sameyn lahaa wax ku dooran lahaa si uu ula tartamo umadaha kala duwan ee Africa iyo Aduunkaba kula nool, ilaa arimahaa xal laga gaadhona ma filayo in laga gudbayo wax badan oo dhibaato inagu haya oo aynaan diyaarna u ahayn xiligan in laga baxo, laakiin ay imanayso maalin laga bixi doonaa.

Muhamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso