Maayarkii Qarniga iyo Qaranka Soomaalilaand Cabdishakuur Maxamuud Xasan

Maayarkii Qarniga iyo Qaranka Soomaalilaand Cabdishakuur Maxamuud Xasan

Maayar Cabdiashkuur Maxamuud Xasan oo hore ugu guulleystay Maayirka  Maayaradda ayaa haatan noqday Maayarka qarnigan lagu xasuusan doonno waxqabadkiisa kala duwan ee uu ka hirgaliyey Degmadda uu Maayarka ka yahay ee Berbera, Waxqabadka uu maalmihii u dambeeyay  fuliyey waxa ugu waaweynaa Hirgalinta iyo dhisida Waddooyin  casri ah oo farasmagaalaha magaaladda ah iyo xaafadaha koonayaasheedaba, waxa qabadyadda ugu waaweyn waxa ka mida Dhisida iyo dhireynta Magaaladda, waxa kale oo la dhireeyay badhtamaha Jidadka Timirta ee magaaladda iyadoo ay u dheerayd nadiifin iyo hagaajinta guud ee bilicda Magaaladda.        

Dawladda hoose ee Degmadda Berbera iyo Guud ahaan shaqaalaheeda, Xildhibaanadeeda oo isku duuban ayaa  gacmaha isku qabsaday horumarinta degmadda.  Keenista Gaadiid casri ah oo qashinka qaada, Keenista Gaadiid xaajiyaddo ah oo Hawlaha dawladda Hoose lagu fuliyo sidoo kale Dhisida waddooyin Rooga ah oo casri ah iyo Gurmadka joogtada ah ee Degmadda ka socda.

Maayar Cidin Maxaa lagu xasuusan doonnaa?  

waxa lagu xasuusan doonnaa Horumar balaadhan oo ah dhinacyadda Faayo-dhawrka, Waddooyinka, Waxbarashada, Abniga,  bilicda iyo Odaynimadda Magaaladda Maayarku wuxuu noqday maayar Mucjiso ku noqday Bulshadda kala duwan ee soomaalilaan halkaas oo ilmaha yar ee bari guntii iyo ka Galbeed Guntii joogaa uu u yaqaano maayarkii waxqabadka.  Isku soo duubboo maayar Cidin ayaa noqon doonna maayarkii qarnigan inta ku abtirsata Soomaalilaan iyo Guud ahaan inta ku hadasha Afka  soomaaliyeed ayaa u aqoonsaday maayarka Horumarka iyo hoggaaminta.

Waxqabadka Maayar Cidin maaha mid aynu mu buunbuuninayno se waa mid ishii Berbera aragtaaba ay dareemayso in Berbera maayarkeeddii Haysato.

Maayaradda Soomaaliland ayuu ka waxqabad batay kana nasiib batay markii uu isla hellay Magaalo Xadaaradeed oo Dhaqaale leh iyo markii uu ku darsaday in cashuurtii ay ka hellayaan qaybaha kala duwan ee dawladda ay ugu beddeleen waxqabad Muuqda oo Mustaqbal leh.

Farxaan Maxamed Suldaan 

Farxaanmxd@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso