Liverpool oo markii 6aad ku guuleysatay Koobka Champions League

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa markii 6aad ku guuleysatay Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee UEFA Champions League, kaddib markii ciyaartii kama dambeysta ee Finalka ay 2-0 uga adkaatay Tottenham.

Liverpool ayaa aheyd kooxda loo saadaalinayay koobkan, kaddib markii is aragii labaad ee Sema Finalka ay si cajiib leh uga soo badisay Kooxda Barcelona oo ay gurigeeda ugu adkaatay 4-0.

Daqiiqadii u horeysay ciyaarta ayaa waxaa Liverpool waxaa Rigoore u dhaliyay Ciyaaryahan Salah, kaddib markii kubad uu Mane tuuray ay gacanta uga dhacday ciyaaryahan Mousa Sissoko oo u ciyaara Tottenham.

Ciyaarta Qeybtii hore ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku hoggaamineysay Liverpool, waxaana jiray fursado dhif ahaa oo labada koox heleen.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Liverpool heshay goolkii labaad, kaasoo uu dhaliyay ciyaaryahan Divock Origi oo bedel ku soo galay, waxaana uu ahaa ninka quusiyay Barcelona ciyaartii Sema Finalka aheyd.

Ugu dambeyn garsooraha ciyaarta leylinaya oo u dhashay Slovenia ayaa ku dhawaaqay seeriga, iyadoo ciyaarta ku soo idlaatay 2-0 oo ay Liverpool ku badisay, kuna qaaday Koobkii Champions League oo ay ugu dambeysay sanadkii 2005-tii.

Advertisement

Ku Xayeysiiso