Tayo darada dawooyinka  dalka dibada .

Tayo darada dawooyinka  dalka dibada .

Bulshada aadka ugu il daran xanuunada ilaahay u keenay oo aad

Dawo  haday bukooto maxaa lagu dabiiba  dabku haduu dhaxmoodo maxaa dawooyinku  markay tayadoodu liidato waxay samayn caafimaad soo gaadhsiyaan  bukaha dawo qaataha ah ma jiro qalab iyo sharci lagula socon kara daawooyinka dalka iyo goobaha ganacsi ee dawooyinka dalka dibada uga yimaada

Isticmaalka daawooyinka aan dr kuu qorin waxaad kala kulmaysaa  halis caafimaad daro oo soo wajahda bukaha waa in daawooyinka soo dajintooda  ganacsigooda lagu maamula siyaasad cad oo dawliya si loola socdo khatarta ka iman karta  daawooyinka iyo goobaha farmasiyada iyo daawo soo dejiyaasha dalka lagula socdo ka ganacsiga  daawooyinka ay ka iibinayaan bulshada aadka u taagdaran ee u cadiban xanuunada ay u raadinayaan in ay u helaan daawooyin si wanaagsan wax uga tara  bukaankooda

Farmasiyada iyo shirkadaha dawooyinka ka ganacsada waa in lagu soo kooba shirkado  oo ku midoobaan ganacsiga daawooyinka

 

Waxyeelada daawooyinka dalka yimaada ayaa ka badan  faaidada looga baahan yahay in aynu ka helo daawooyinka

Dawooinka  marka lasoo saarayo tayada leh waxa lagu tijaabiyaa  nooc kamida jiirarka waa daawooyinka ay tayadoodu aad u fiican tahay ee  kasoo baxaya shirkado ama dawlado ka haysta ama ka diwaan gashan wasaarada caafimaadka ee aduunka  inta badan dalkeena aad bay ugu yaryahiin in la helo daawooyin tayadooda caafimaad aad u sarayso waayo qiimaha daawooyinkaas oo aad u qaaliya sidoo kale waa in daawooyinkaas ay ku yimaadan dalka sharci heshiis laba dawladood oo  caalamiya waa marka la raacaayo qawaaninta sharci ee lagu maamulo siyaasada ilaalinta tayada daawooyinka ta kale waxa jirta in hada dadka ka ganacsada daawooyinka dalka dibada uga yimaada aanay jirin sharci caafimaad oo xakamayn kara  ka ganacsiga daawooyinka

Daawooyinka ka yimaada dalka india chine oo tayadooda waxtar aad u hoosayso  marka la dhinac dhigo shirkadaha iyo warshadaha soo saara daawooyinka aduunka  laga isticmaalo

Hadaba labadan dal oo uga faidaysta korodhka tirada  dadkooda iyo bahiyaadka noolaleed ee ka jira waxay suurto galiyeen si tuuga ah in company soo saara daawooyinka ganacsi ee dalkooda in ay ku tijaabiyaan aadamaha ku nool dalkooda markay hubinayaan tayada daawada  taa macnaheedu waxa weeye daawooyinkaas oo aan ahayn daawooyinkii saxa ahaa ee loo baahna

Iyadoo shirkadaha dawooyinka dalka soo dajiyaa ay  sanadkasta ku dhacaan dawooyin aad u badan oo ay ku wareejiyaan dawlada hoose  dawooyinkaas oo ay u dhintaan bahidooda daawo 100 laal Somali ah oo aan awoodin in dawooyin ay iibsadaan caafimaad qabkooda            Dadwaynahii soomaaliyeed waxa ku dhacay ja hawareer waxa ay aqoon caafimaad bedeen dadkoodii dalkoodii doctor radoodii waxay najiido  u heeleen jahawareer khal khal caafimaad buukaan saa id oo la kulmay qalab la an caafimaad tayo daro daawooyinka dalka dibada uga yimaada  waxay kuyuu ugu jiraan goobahii farmasiyadii dalka oo sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa ka hor burburkii dawladii soomaaliyeed farmasiyada gobolada  dalku way yaraayeen shaqadooda iyo maamulkoodu waxa uu ku hoos jiray qorshaha maamulka dawliga ah dawooyinkii dalka dibada uga iman jiray waxa ay ku jireen gacanta  maamulkii dawliga ahaa ee waqtigaa jiray daawooyinku waxay ku iman jireen dalab qorshaysan oo laba dawladood oo leh tiraac iyo qanuun sharci dawladeed dawooyinkaas waxa ay ku soo dhici jireen  xarunta qaybinta iyo keydinta daawooyinka spimo halkaas ayaa pharmasiyadana ay ka qaadan jireen daawooyinka farmasiyadu waxay ku shaqayn jireen shift duty radio hargeisa ayaa looga sheegi jiray dadwaynaha ku nool gobalada dalka farmasiga shaqaynaaya  habeenkaa waxa laga sheegi jiray radio hargeisa waxa si fiican u shaqaynaayey cusbitaalada dawliga oo habeenka la shaqayn jiray farmasigaa shift shaqo u soo jeeda farmasigaa waxa uu lahaa waraaqo furnaanta sharci sida warqada xaashida soo eegista caafimaadka guud  xaashida liisan ka ganacsi warqada ogolaanshiyaha wasaarada caafimaadka sidoo kale aqoontiisa caafimaad iibiyaha daawada farmasigu waxa uu ka diwaan gashanayd wasaarada caafimaadka

Farmasigu waxa uu  only iibin jiray oo loo  ogolaa dawooyin xadidan oo wasaarada caafimaadka dawligu ay  maamuli jirtay

daawooyinku

manta  dalka ma jiraan  baahiyaadkii caafimaadka ee aasasiga dawliga ahaa oo qofkaan haysan  wax lacag ah oo ku daweeyo caafimaadkiisa lacag la an ma jiraan waxa inta badan la arkaa markuu waayo  daawo caafimaad dr isaga iyo qoyskiisuba inay u dhitaan daawo la an ama dr la an

ganacsiga daawooyinku waxa uu la mid yahay  taariikhdii ganacsiga dadka ee Africa hadaba bulshadu runtii aad bay u dareensantay dhibaatada arimaha caafimaadka maxaa dawlada uga qorshaysan  dhibaatooyinkan arimaha caafimaadka bulshada ee dadan goorma laga baadhi doona tayada daawooyinka dalka dibada uga yimaada iyo tayadooda waxtarla an  dekadaha dalka

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux02010@gmail.com   

 063 4130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso