Daawo: Kulan lagu qiimaynayo sababaha keenay kor ukaca shilalka gaadiidka ee deegaanka oo madaxtooyada DDS ka dhacay.

Kulankan Lagu eegaayey Waxa Sababay Kor u kaca sixirka lagu iibasado Shidaalka DDS ayaa waxaa hogaaminayay wasiir kuxigeenka xafiiska madaxtooyada Dowlada Deegaanka Mudane Cabdirisaaq Sheekh Cabdiraxmaan Siyaad waxana kasoo qayb galay masuuliyiinta xafiisyada ay khusayso sida Xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka iyo warshadaha, waaxaha komishinka booliska sida waaxda taraafikada iyo waaxda Shilalka.

Kulankan ayaa lagu qiimaynayay sababaha keenay korodhka shilalka gawaadhida tayada gaadiidka iyo xirfada dirawaliinta deegaanka oo hoosaysa iyo siday doorka dabagalka xafiisyadani ay khusayso tahay taasoo si qoto dheer loogu falan qeeyay oo laysla qaatay in si dhakhso ah wax looga qabto dhibaatadan sababtay dhimashada shacabka iyo burburka hantiyeedba.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso