tobbanka danbe ee ramadaanta iyo siday uga faa’idaysan karno hal abuur qoraa xamse riiraash.

Waxa ahaayeen dadku kuwa la nool oo taagan ka faa’iaysiga bisha barakaysan ee ramadaanta.in badan oo ka mida dadku waxay ahaayeen kuwa u baratamaya kheyrka iyaga oo buuxinaya masaajida.

In badan oo dadka ka midii waxay u baratamaayan kheyrka iyagoo ku dadaalaya akhrinta qur;aanka kariimka.in badan waxa ay yihiin kuwa samo falayaal ah kuwaas oo dar alle u bixinaya waxa uu eebbe ku manaystay.

Bishan oo ah bil kheyr ah oo asxaabta iyo salafigiina ku hammi jireen inuu alle weyni mar qudha uun ku simo si ay uga faa’idaystaan.

Bishan waxa ku jira habbeeno ka kheyr badan kun bilood ajarkeeda laba koobi karayn.oo loogu yeedho laytul qadri.sida quraanka inuu sheegay.

Habeenada tobbanka ee danbe waa inaynu isku daynaa tukashada salaatul laylka iyo qiyaamka.waa in laga wada qayb qaata oo dadka la toosiyaa oo baryada ilaahna la badiyaa alla la waydiistaa inuu haleeshiiyo kana aqbalo acmaasha iyo ducadaba

Hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso