Dowladda Sucuudiga oo Hawada ku burburisay gantaal ay soo tuu reen Xuutiyiinta Yemen

 Ciidanka Difaaca Hawada Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta  oo Isniin ah hawada ku burburiyay Laba gantaal oo ay kooxda Xuutiyiinta Yeman ku Tuureen magaalooyinka Dhaaif iyo Jeddah oo labaduba ka tirsan mandiqada Maka Almukaram.

Ilaa hadda wax tafaasiil ah lagama bixin  hadii ay jiraan wax khasaare oo nafeed ah oo ay geysteen gantaaladaasi ay ka hortaga sameeyeen Ciidanka difaaca hawada ee Sacuudiga.

Kooxaha u dhaq –dhaqaaqa Nabadda ee Sacuudiga ayaa bartooda Twitter-ka ku sheegay  in ujeedka labadaasi Saaruukh ay soo tureen Xuutiyiinta uu ahaa inay la beegsadaan magaalada Barakeysan ee Maka al-mukarama waxaana markii la soo ridayay gantaaladaasi lagu arkayay muqaal Video ah oo laga duubay qeybta waqooyi ee Gobolka Daif.

Advertisement

Ku Xayeysiiso