Dhamaan Maamulka Iyo Wariyayaasha Warbaahinta Togaherer Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Chief Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaji Aadan Oo Maanta ku Geeriyooday Dalka Sweden

Bahda  Warbaahinta Togaherer  Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diraysaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Dadka Afka Somaliga ku hadla Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Chief Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaji Aadan  Oo Maanta ku Geeriyooday oo Maanta ku geeriyooday dalka Sweden,

Dhamaan Waxaanu ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuum Chief Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaji Aadan. Waxaan Si Gaara uga tacsiyeynayaa Guud ahaan Reer Xasan Xaaji . Waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha inaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana Alleh uu dhaafo.

Marxuun Chief Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaji Aadan Waxaa uu Ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Gobolka Maroodijeex Gaar ahaa Magaalada Caasimada Ah Ee Hargaysa Oo Uu oday iyo Nabadoon ka ahaa. Marxmuunka Waxa uu ahaa Ehlu Cibaado ehelu diin  ah Waxaanu ahaa Ruux  la saaxiib Ah Da´a kasta  taas oo ku tusaysaa Shaqsiyadiisa oo ay adag tahay in laga helo odayaasha hadeer ama ay ku yartahay. Waxaan ku xusuustaa Chief Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaji Aadan AHN Waxa uu ahaa ruux waji furan oo Kaftan badan Dhiiri Galin badan marka loo eego Dhalinyarada oo uu si toos ah ula saaxiib ahaa .

AHN Chief Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaji Aadan  Wuxuu ahaa  Qoraa ku  khabiir Taariikhda gayiga Soomalida, Aqoonyahan  , Dhaqan yaqaan ah. Waxaanu Eebbe uga baryaynaa jantual Fardous Alacala ha ka warabiyo.

Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo Dambigiisana alleh uu dhaafo, qabrigana alleh uu u waasiciyo. Sido kale waxaa eheladii, Qaraabadii , Somaliland oo dhan aan Ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Qoyskii uu ka geeriyoodayna cawil Khayr Qaba alleh ugu badalo.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso