Ciil-qabayaal Aan Xorriyad Haysan. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash. Siraha Qarsoon kaabash

Berisamaadkii degaanku waxa uu ku suntanaa barwaaqo gees-ka-gees hoddantinnimadu wada maanshaysay. Laba gebi oo kasta dhexdood biyuhu galac leeyihiin. Deegaan geddiisu wacantahay oo gabbal dhacay iyo waagiisa  xareedu wadhantahay. Gaaxda adhiguna gargaar Eebbe ay tahay, god abees iyo iyo weere dhex dubaaxiyana aan looga baqayn. Udugga ka soo kamkamaya geedaha cagaarani uu gasiin xoolaad ku suntanyahay. Gego madhan, abaar gaag mareebta ah, gaajo iyo harraadna  la kale fogaaday. Nasiib na loo helay guul Alle oo aan gedgedoon abaareed suuradeeda lahayn. Caqli ahaan iyo feker ahaan ba ku xasilinaya. Waayeelkuna ardaaga digri bilaa turxaana la fadhiyaan Eebbe baryadiisanu miciin dheeraada u tahay. Waa berisamaadkii, waana beri waayeelka gadh casaaga ah iyo habraha adhaxdu soo liicday ku soo hal-qabsadaan kolka ay deegaankii hore hogo-tusaalaynayaan. Waxa uu ku suntanaa qurux, deganaansho iyo degsiimo insaanka iyo dugaaga khatar ta ahi ku loolamaan. Wax kastaa way is-beddeleen, bartii duurka ahayd waxay noqotay dirri qaaca ka soo baxayaa ilaa dalqada ku qarxinaayo. Bartii geed gaabka iyo jillabku is qariyeyna waxay isu saaftay bar boodhka iyo habaasku sida toxobta kugu dhegayaan.

Waxa hubaal ah in daqiiqad kasta aanay arladani ahayn sidii bersamaadkii mid nabada, feker ahaan, maskax ahaan iyo jidh ahaan ba–xattaa naf ahaan. Waxa qof kastaa halis aan taxadir lahayn ugu jiraa in uu dhibaato maskaxeed, jidheed iyo nafeed ba  la kulmo kol iyo kob kasta oo uu ku suganyahay. Mar kasta qofku waxa uu u bandhiganyahay in ay naftiisu u huleesho aakhiro isaga oo aan ogayn asbaab kasta oo sababi karta in uu dhinto. Dhimashada iyo arrimaha qaybka khuseeeya marka aynnu ka nimaadno, inta badan bulshadeennu waxay la asqaysantahay haliso badan oo aanay dhaaddanay. Tusaale: shakhsiga maanta nooli,  waxa si lama filaana u furay Tv-ga waxa ka  daldalmaya nin weriye ah oo ka sheekaynaya wax uu ku sheegay war. Waxa uu hordhac uga dhigay , “Siyaasiyiin ka soo jeedda beel heblaayo oo sida fiinta uga qayliyey xilal uu magacaabay masuulka dalka ugu sarreeya ayaa kulan saxaafadeed ku qabtay meel heblaayo iyaga oo ku andacoonaya in beel keliyi u badantahay xilalka dawladda”. Miskiinkii warbaahiya daalacanayey uun baa  cadho awgeed  labada kood ka hooray dhidid fudadka le’egi. Ceebtii maaha ee waa caadadii. Habeen kasta waxa uu balwad ka dhigtay in uu sida daroogada fiiqsado wax war u eeg oo beeshiisa aan faraxti gelin. Waxa uu  si’ joogto ah seexdaa wadnahiisa oo gawda haya, garaaciisuna waa mid kuwada lingaxan xubnaha jidhkiisa oo idil, buste huursan ayuu hoosta ka gelayaa isaga oo sida bambada ciil qarxaaya. Oogga hore ayuu ku waabariista fiirsashada jaraa’idka iyo waxaan dhaamin oo war loo eekaysiiyey. Bartaasna waxa ka bilaabantay fekerka ah siyaasaddii maanta idinkaa majaraheedii haya! Mayee maanta bilo rabaalsanayd bay mucaaridkii idinku soo bilbileen! Mayee maanta waynnu ledaynaa oo siyaasiyiinteennii qoolalkii ay xidhiyeen way sii suryeeyeen!. Ciil joogto ah. Siyaasad isku hore iyo daba noqonaysaysa ayey noloshiisii ku dhisantay. Waxa la soo dersay dhiig-kar, macaan, waxa u sii dheer selel habeenkii hurdada u diiday. Kol uu sidaas ku sugnaa wakhti dheer  habeen hurdadu ka raagtay isaga oo xanuunadiisan ka werwersan, waxa uu dib u milicsaday xayaatadii  yaraantiisii uu ku naaloon jiray. Waa deegaankii bilaa rabashka ahaa, waa deegaankii nabadda iyo farxadda joogtada ah la deriska ahaa. Waa deegaankii aan marna caloolyaw iyo ciilkaambi midna la la kuududsanayn. Deegaankii quruxda iyo deganaansha nafeed Alle ku mannaystay. Deegaankii ciyaar gudka ku caanbaxay. Kol keliya uun waxa ku soo qub tidhi qalbigiisa mid aanu filayn weligiina ka fekerin. Xaalad uu mooganaa se aanu niyaddaba gashan sidan bay ahaan jirtay. Waxa mar keliya qalbiga uu ka yaqiinsaday in Siyaasiyiinta beeshiisa hoggaamisa; waa kuwa uu hadh iyo habeen u diriro sidii ay mansabka siyaasadeed u fuuli lahaayeen ay yihiin  siyaasiyiintii ay soo naas muujisay dawlad berisamaadkii halligantay. Waa siyaasiyiin bartay tabta ummad dhan masiirkeeda loo duwo iyadoo dano dhaqaale, siyaasadeed iyo ammaan ba gabbaad looga dhiganayo. Waa siyaasiyiin dawladdaa halligantay u ahaa dheg ama se’ sirdoon. Kolkii dawladdii soo naas muujisay cahdigeedii dhammaday waxay unkeen habab weji ku macaash ah oo ay dadkii kaga dhex shaqaystaan, waxay samaysteen tabo kale geddisan kuna dhisan taaktiko kale door-roon. Waxay si’ hoose inoo yidhaahdaan,  “Waxaannu nahay siyaasiyiinta beesha metela. Waxaanu nahay siyaasiyiin rugcaddaaya oo siyaasadda ku xeel-dheer”.  Qaar baa ku macaashay waxaanu nahay siyaasiyiinta beesha metela, qaar daaha ka dambeeya oo siyaasad dhagaraysan maleega. Waxaa uu ogaaday “in siyaasigani uu aaminsanyahay in uu cilmi ahaan, caqli ahaan, arrin ahaan iyo aragti ahaan ba ka  sarreeyo inta uu astaanta siyaasadeed calankeeda  u haayo. Isagu se’ ma dhaadana aqoon buuxdana uma laha. Tol ahaanna haddiiba uu xaafaddiisa shaxaad la hor istaago cid u tawaabaysaa ma jirto jeer uu sharraxaad abtirsiin u badan ka hor dululubiyo ilaalada gurigiisa. Aakhirkiina wax uu kolba dhinac isu rogo, waxa uu yaqiinsaday in uu daqiiqad kasta oo noloshiisa ahayd ku sugnaa ciil, qamuumyo iyo dagaal qarsoon oo uu siyaasi nolol maalmeedkiisii wataa u sabab ahaa.

Gunta iyo gunaadka, dhibkani waxa uu haystaa qofkasta oo siyaasadda u dhuun daloola, faalleeya ama warbaahinta si’ toosa ugu xidhan. Taasna waxaa qiraaya siyaasiyiinta Somaliland. Habeen aan ka qayb galay dhigane uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr, waxa ka soo qayb galay Jamaal Cali Xuseen. Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, “Anigu waan iska daayey daawasashada muuq baahiyayaasha Somalida; waayo warkoodu waa dhiig-kar  iyo cadho joog ah”.

Fekerka aqoonyahanka

Sadam Osman kaabash

Hargeisa, Somaliland

Degmada: Mohamed Mooge.

— 

Name:  Sadam Osman Mohamed 

Phone : 063 4010419

Email: Sadamkabash99@gmail.com

Address : mohamed moge village 

Tittle: Biomedical Scientist / Writer 

Advertisement

Ku Xayeysiiso