Daawo/Degdeg: Norwegian Airline ayaa Hadda Shaacisay in 15 diyaaradood 737 Max Ay Ka joojisay Duulimaadyadeeda Sidoo kale UK ayaa iyana Ku dhawaaqday

War hada soo dhacay Dawlada Ingriiska oo amartay in la joojiyo dhamaan diyaaradaha 737 Max ayaa Norweigian ay hada ku dhawaaqday in 18 diyaaradood oo niica 737 Max la dhigo.

Joojinta Duulimaadka Diyaaradaha Norwegian Air ayaa Sabab u ah kadib markii Dawlada Dalka UK ay ku dhawaaqday in aanay iman karin Diyaaradahaasi dalkeeda.

Sidoo kale waxaa la kansal gareeyey Duulimadyo ay maanta Norwegian ugu baxaysay London Halka Laba duulimaad oo ku soo socday London oo Turkish Air ahaa ay iyana Dib u Laabteen kadib amarkan ka soo baxay dawlada UK.

Advertisement

Ku Xayeysiiso