Tacsi Madaxweyne Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire 


Taariikh: 08/03/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 08/03/2019, Magaalada Hargeysa. 

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku si sifeeyey abwaan door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, nabadayntii shacbiga Somailand iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso