War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya wasaaradda gaadiidka iyo gaadiidlaydu war isuma hayaan,

War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya wasaaradda gaadiidka iyo gaadiidlaydu war isuma hayaan,

wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiintu maxay qabataa?

Waxaa ciillan gaadiidayda dalka madaxa bannaan ee jamhuuryadda Somaliland

Waxaad arkaysa suuqa wadnaha caasimadda Hargaysa oo dadkii iska riixayaan gaadhi soconaaya  waxaa kale oo aad arkaysa gaadhi waddada lagaga tegay oo xidhay isucodka dadka iyo gaadiidka waxay kalliftay in ay wadayaasha gaadiidku  ay isu soo degaan si ay iyagu ciidanka waddooyinka u matalaan marmark qaarkoodna isku af dhaafaan

Waxaa iswaydiin leh mee ciidankii u xilsaarnaa ee ay gaadiidku cashuurta ku bixinayeen

Dambi malaha ninkaan diiday odhan karayne

Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta

Waa waasaarad aanay caddayn shaqada ay dalka u qabato

Caalamka waa wasaarad tiir adag u ah waxay dalka u soo kordhisaa diridda waraaqaha iwm

Talo soo jeedin

In aanay soo galin galinka gaadiidku galinka hore iyo galinka dambe wadnaha caasimadda in ka  ay hawlgalaan ciidanka waddooyinku suuqa dhexe ee caasimadda .In ay dawladdu ururrada maxalliga ah wax la qabato kuwaas ka qayb qaata horumarinta dalka .In wasaaradda caafimaadka laga haqabtiro qalabka loo adeegsado caafimaadka si bulshada danyarta ah ee aan tahli Karin dhaqaale buuran oo laga qaado loogu adeego waxaanu maqalla dalk waxba loogama qaban karoIn la sameeyo wasaarad dhallinyarada dhaqanka xunxun ku kacda laga wacigeliyo si ay yaraadaan dhaca iyo tuugta loona bixiyo wasaaradda dhaqanceliska iyo tababbarka suubbanIn deegannada aanay biyuhu gaadhin la gaadhsiiyo biyo ku filanIn mar uun la arko wasiir lagu soo eedeeyey lunsni hanti qaranIn dadka danyarta ah laga dhaafo cashuurta.

Ha ku ciil bixin tiiraanyo xasuuste walaal ma xidhiisho.

Ha ka baqan xaqaaga

Ha dhibin walaalkaaga aad dalka wada leedihiin.

Ha moodin in aanad dhimanayn

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso