Agaasimihii Hore Ee Wasaaradii Kalluumeysiga oo Madaxweynaha ugu Hambelyeeyey in uu Hirgaliyey Barnaamijka Shaqo Qaran.


Ardey badan oo Isku jaamacad aheyn waxay iigu faani jireen hal sanno oo shaqo qaran ah baanu soo qaadaney, Laakiin Aniga iyo In Badan oo dhalinyarta reer Soomaalilaan ahi fursadaas oo kale maanan helin.
Farxad weyn bay u tahay guud ahaan shacabka Soomaalilaan gaar ahaan dhalinyarta in maanta ay suurogashay in sidan oo kale loo helo barnaamijka shaqo qaran.
Waxaan uga mahadcelinayaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaan Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu lahaa fikradda iyo aasaasitaanka barnaamijka shaqo qaran. Maanta ay u hirgashay mid ka mid ah riyooyinkii uu lahaa iyo mid ka mid ahaa balanqaayadii u gaar ahaa xilligii ololaha doorashadda uu Madaxweyne muuse biixi balanqaadey. Badnaayeen maalmihii ololaha doorashadda lagu jirey inta jeer ee Madaxweyne Muuse ka dhawaajiyey in uu hirgalin doono barnaamijkan maanta rumoobey.

Waa Astaamaha ay leeyihiin umaddaha tashdey ee higsiga lehi runtii, guud ahaana waxaa laga dhaxlayaa in la helo jiil reer Soomaalilaan ah oo dhinac walba ka dhisan qarankana u adeegi kara xilli walba.
Wadaniyadda ayaa kow ka ah horumarka uu qaran higsado, runtiinah barnaamijkan shaqo qaran waxaa uu abuurayaa jawi wadaniyadeed oo bulshadda reer Soomaalilaan ku dhex milma kara,dheeringalin weyna waxay u tahay dhalinyaradda qarankan oo sanad walba hadii la joogteeyo in la qaato tiradan oo kale waxaa abuurmi kara in tobanka sanno ee soo socda jiilka dhalinyarada dalkani noqdo qaar u diyaarsan qorshe qaran oo horumarkiisa leh.

Waxaan guud ahaan xukuumadda, Gaar ahaan Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran ugu baaqayaa in uu noqdo mid laga midho dhaliyo oo sanad walba la qaato ardey cusub oo cadaaladda la mid ah tii hore ee lagu soo xuley la mariyo, sidoo kale la dadajiyo sidii loo golayaasha qaranku u ansixin lahaayeen barnaamijkan xeer ahaa iyo dhaqangal ahaanba. Dhalinyarta goobtaas nasiib u helayna laga dhiso wadaniyadda iyo in qaranka Soomaalilaan wax ka hooseeya aanu jirin oo ay u taagan yihiin.

Hankii Qarankaa Rumoobey

Fuaad Cabdisalam

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaalilaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso