Nin Soomaali ah oo loo haysto Afduub oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

Cabdi Yuusuf Xasan, oo ah ah Soomaali ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka, markii lagu eedeeyay Afduub wariye oo ka dhacay Gaalkacyo January 2012-kii.

Cabdi Yuusuf, ayaa lagu soo eedeeyay inuu Gacan weyn ku lahaa qafaalashada, Wariye, Michael Scott Moore, kaas oo muddo Saddex Sana ah lagu haystay Gobolka Mudug.

Michael Scott Moore, oo ah Jarmal haysta dhalashada Dalka Mareykanka, ayaa xilligii la Afduubanayay diyaarinayay war-bixinno ku saabsan Budhcad-Badeedda Soomaaliya.

Cabdi Yuusuf, ayaa loo haystaa inuu maleegay shirqoolka lagu Afduubtay Wariyaha, isla markaana ku dhowaaqay dalab Madax furasho oo gaadhaya 20 Milyan oo Doollar, waloow aan la caddeeyn in la siiyay iyo in kale.

Wariye, Michael Scott Moore, oo ahaa Suxufi madax bannaan, waxna ka qora arrimaha Budhcad Badeedda ayaa lasii daayay, 23-kii  September, 2014.

Sida ay sheegtay Maxkamadda Magaalada New York, Cabdi Yuusuf ,oo 51 jir ah, oo ku dhashay Magaalada Muqdisho, haystana dhalashada Maraykanka ayaa waajahaya dacwado kale oo ay ka mid yihiin Afduub iyo haysasho Hub Sharci darro ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso