Iiraan oo Israa’iil ugu baaqday in ay joojiso faquuqa ay ka waddo Qudus

Dowladda Iiraan ayaa cambaarayn kulul dusha uga tuurtay falalka gurracan ee ay Isr’ail ka waddo Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa.

Waxanay xukuumadda Tehraan ugu baaqday Wadamadda Muslimiinta iyo Beesha caalamka in ay Israa’iil ka qaadaan tallaabbo deg-deg ah ayna joojiyaan cunsuriyadda lagu hayo Dadka reer Falastiin.

Bahram Qassemi, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Iiraan ayaa sheegay in ficillada Israel ay xad gudub ku yihiin Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa, oo ah Masjidka Saddexaad ee ugu fadliga badan Muslimiinta.

Israa’iil ayaa dhowr goor oo hore xannibaado kusoo rogtay Dadka ku cibaadeysta Masjidka Al-aqsa, iyadoo halkaasi ka geysata gabbood fallo ka dhan ah Aadanaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso