Ilkaha dabarka leh ayaa idilay!

Ilkaha dabarka leh ayaa idilay!

Qoomiyadaha aduunka ku dhaqan qolo waliba waxay leedahay waxyaabo iyaga u gaar ah oo dhexdooda ay aad u qadariyaan Una qiimeeyaan, oo ay ka dhigtaan astaan quruxda ka qayb ah.

Hadaba Soomaalidu waxay aad u xiiseeyaan oo Qayb quruxda ka mid ah ka dhigaan ilkaha dabarka leh rag iyo haweenba,

Ilkahaa dabarka leh inkastoo deegaamo badan oo Soomaalidu degto dadka ku dhaqan laga helo hadana deegaamo ayaa aad ugu badan yihiin dadka ilkaha dabarka lihi sida deegaamada Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag ee Somaliland Taas oo mujtamaca ku nool deegaamada ay Qayb tiro laxaad leh oo bulshada ka mid ahi ay Dabar leeyihiin.

Hadaba horta dabarku waa maxay? Maxaa se keena?

Sidda culimada saynisku sheegaan Dabarku waa midab dheeha ilkaha ku samaysma, Taas oo ay keento maadada Falooraydh ‘fluoride ‘ marka ruuxu cabo biyo ay ku badantahay maadadaa falooraydhku.

Waa maxay Falooraydhku ‘fluoride’ ?

Falooraydh-ku waa maado ku jirta lafaheena iyo ilkaheena, waxa siddoo kale si dabiici ah laga helaa oo ay ku jirtaa Biyaha, Carada, DHirta, DHagaxaanta iyo Hawadaba.

Falooraydh-ku waxtar iyo waxyeelo labadaba wey leedahay,

Wax-Tarka  falooraydhka Waxa kamida in ay ilkaha adkayso kana ilaaliso suuska sidoo kale ay dib u kab ilkaha ku samayso, sidaa laajigeed wadamo badan oo maraykanku ku jiro biyaha caadiga ah ee qasabada magaalooyinka ayaa loogu daraa in qiyaasan si dadweynuhu wax tar uga helo siddoo kale dawada lagu Cadaydo iyo ta lagu luqluqdoba waa lagu daraa oo waxtar bay uleedahay fayo-dhowrka afka.

Wax-yeelada Falooraydhka Waxa kamida in marka uu ruuxu cabo biyo ay xadi badan oo Falooraydh ku jirto ay ilkuhu dabar yeeshaan oo Sidda culimada saynisku sheegaan in ay ilkihii si sahlan u falfaliidhmaan ama u burburaan, siddoo kale ay lafaha qudhooda waxyeelo u keeni karaan, waxa afka qalaad lagu yidhaa (skeletal fluorosis) sida lafaha oo aan sax u korin ama qaloocsama Sidda kuwa lugaha oo Wagdo noqda.

Hadaba Dabarku wuxuu ku dhigaa dadka marka ay cabaan biyo ay Falooraydhku ku badantahay inta ay yaryihiin ee aanay ilko-dhacsan kohor Taas oo noqon karta biyo Falooraydhku ku badantahay inay toos u cabeen ama caano loogu qasay siddaa laajigeed markay ilko dhacsadaan usoo baxaan ilko dabar lahi, Hadaba deegaamo Somaliland ka mid ah ayaa ceelasha laga cabo ay ku badan yihiin maadada Falooraydh-ku Taas oo marka hore iyada oo maadadu biyaha ku jirto ayaa hadana laga yaabaa in dhaxaanta dhulka hoose kaga soo duxayso si saa’id ah siddaa awgeed inay sababto dadka ceelashaa biyahooda ku ababay inay yeeshaan ilko dabar leh oo qurxoon kuwaas oo dadka ku ababay deegaamada ceelashaa ka durugsan ee gobolada kale ee ilkaha cadcadi inay si ay u yeeshaan ilko dabar leh ay aysiidh iyo kaabsool ilkaha marsadaan si dabar u yeeshaan ama ilka-case ama ilko-cas loogu naanayso!!.

Se wax walba meeshiisuu mudnaan iyo magac kuleeyey, waatan qurbaha la galay wixii quruxda aynu u naqaanay waatii laysku qoonsaday oo Hablihii ilkaha dabarka dahabiga ah lahaa ee lagu dheegagi jiray iyo wiilashiiba markay qurbaha galeen ee waa maxay waxani? Layidhi halkay u sharixi lahaayeen intay afka gacanta ku dabooleen iga xoqa yidhi ee dabadeed markii quruxda wixii qoomiyad ahaan u ahaa ka qashaafeen ee ilkihii la xoqay ee loo cadeeyey ay qabow iyo kuleel xamili waayey iskadaa wax kaloo neeftii xamili waayey,ee hadana ilkaha ii dadaay ku waashay ee dahaadh faalso ah lagu dahaadhay afkii ilkaha dabarka lehaa ee aan laga ilbidhiqsan jirin ee lagu amaani jiray ee loogu soo hiran jiray ay wax foolal maroodi aad moodo kasoo jeesteen aan la eegi karin! Iyo af gacan lagu hayo uun, maxaa kugu dhacay markaad tidhaahdo waa ilkaha dabarka leh ayaa idilay!, se hubaal waa quruxdii dabarka ahayd adaa dilay ee maad deysatid ilkahaagii dahabka ahaa!.

Dabarkuu daa’in ku siiyey

Haku doorsan wax laga dido.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso