Itoobiya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiska dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah ee DDS

Sida ay qortay wakaaladda wararka Itoobiya ENA,Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan ku saabsan dhoofinta Gaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ilaa 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa lafilayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam wasiiru Dowlaha Batroolka iyo macdanta dalkaasi Itoobiya.

“marka aan bilowno dhoofinta,waxaan awoodaynaa in aan soo saarno ilaa 1 Billion oo Dollar,waxaana kordhaya dakhliga oo gaadhaya 6 ilaa 7 Billion sanadkiiba”, Ayuu yidhi wasiir Koang Tutlam

Heshiiskaasi ayaa waxaa ukala saxiixay Yonis Cali Guuleed oo ah wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu wasiirka Patroolka iyo Macdanta Itoobiya,waxaaan ay sheegeen in talaabadan ay fursado shaqo abuur iyo kobac dhaqaale u noqon kartaa bulshooyinka  labada dal.

Advertisement

Ku Xayeysiiso