Ummad Dhacan C/razaaq Xiis

UMMAD DHACAN

Bismillaah……waxaan marka hore salaamayaa akhristayaasha kadibna waxaan rabaa inaan maanta halkan kaga hadlo arrinta ay hadal haynteedu ku badnayd beryahan warbaahinta Somaliland oo ah heshiisyadii lala galay Imaaraatka. Marka hore waxaa saluug laga muujiyay sidii loo maamulayay heshiisyadaas oo runtii u muuqday wax tuurta lagu sitay oo lala cararayay, wixii lala cararayayna waa kuwaa soo baxay markaa aan kala qaadno dekadda iyo Saldhiga.

Dekadda heshiiskii u horeeyay waxa la saxeexay May 2016 waxana ballanku ahaa in dekadda la balaadhiyo ilaa iminkana wax ka hirgalay ma jiraan aan ahayn kala hadal ay masuuliyiintu dadka ku maaweelinayaan.

Saldhigu waa ka u daran waxayna ahayd hadii qolyihii Kulmiye ee hawsha waday ay si cilmiyaysan oo lixjeclo ku jirto u dhaqmi lahaayeen in ay horta hubiyaan bal sida heshiiska dekaddu u hirgalo lkn taa beddalkeeda waxay u dhaqmeen sidii dilaaliin waan ka xumahay. Madaarkan la siiyay Imaaraatka wuxuu ahaa madaar uu dhisay Soofiyeedkii wuxuuna ku yaalaa buqcad aad u muhiim ah, waxana la sheegay in markii Ruushka la eryay ee Maraykanku yimi sideetanaadkii inuu siin jiray xukuumadii Siyaad Barre waqtigaa AFARTAN milyan oo doolar iyo LIXDAN milyan oo ah agab ciidan.

Taa macnaheedu waqtigaas baa waxa ka soo xeroon jiray xisaab dhan oo  ah BOQOL milyan marka laysku daro kaashka iyo agabka. Waxaan daawaday maalin dhexdaas ah madaxweynaha Djibouti oo ka hadlayay saldhigyada qaar uu waddankiisa ka siiyay dawlado shisheeye iyo midwalba inta lacag KIRO ah ee ka soo gasha waxayna ahayd siyaasiinteenu inay waxka bartaan, hadaba maxaa ina helay bal aan idiin iftiimiyo waxa dhacay:-

MAJAROHABAABIN waxay wasiiradii waqtigaasi si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu sheegeen dadka waxaan jirin waxana ka mid ahaa arrimahan.

  1. In ictiraafkii ay horseed u noqonayaan hesiisyadani caalamkiina inoo soo jeedo,cajiib, hadaba maxaa dhacay waxa dhacay in wasiiru dawlihii Imaaraatka ee arrimaha debaddu QARQAASH  uu si badheedha u yidhaahdo annagu Somaliland xidhiidh lama lihin waxaanuna ka shaqaynaynaa midnimada Soomaaliya. Waxaa halkaa ka cad in siyaasiinteena RAADAARkoodu aanu dhaafsiisnayn DPW.
  2. Turkiga ayaa xero ciidan ku leh Muqdisho inagana Imaaraatka ayaa ina caawinaya, waxa dadka looga dhigay in Imaaraatku uu Somaliland qudha rabo inuu la saaxiibo waana waxyaabaha ay dadka ku khawaysiiyeen.
  3. Waxa la inoo fulinayaa mashaariic farabadan oo kiro kasta ka fiican, yacni khiyaali mashaariic aan cabbir wadan waxaan u jeedaa hadday odhan lahaayeen inta sanadood ee heshiisku socdo sanad walba waxaa laynoo fulinayaa mashaariic qiimahoodu ku kacayaan intaas waa wax la fahmi karo lkn nasiib darro dadka garaadkoodii baa lagu ciyaaray HUUHAA.

Waxaan ka codsanayaa warbaahinta Somaliland inay bal dib u milicsadaan waxyaabihii dadka loo sheegay oo ay barnaamij ka diyaariyaan. Waxaan ognahay in sidii loo ansixiyayna ay ahayd JUJUUB iyo FARSAMO anigu waddanka waan joogay intaas oo dhan ayaamihii lalahaa Saldhigaa la ansixinayaa waxaan qoray maqaal la yidhaahdo SALDHIGA BERBERA MAYA hadaad google garayso waa kuu soo baxayaa website-yo badana waa soo qoreen waqtigaas.

Haatan iyo dan heshiiskan saldhigu waa dhac iyo boob cad waana in laga daba tagaa, wayna dhacdaa ilduufku dawladuhuna dibay u saxaan, tusaale Masar baa Yuhuuda heshiis la gashay waqtigii Mubaarak in ay siiso GAAS muddo 20 sano ah kuna siiso qiime ka jaban ama kayar ka suuqa heshiiskaasina wuxuu bilaabmay 2005 waxana la joojay 2012kii, markii isbeddalku ka dhacay Masar,waayo waxa la ogaaday in heshiiskaasi dhac ahaa waana laga noqday.

Haddaba hadaan eegno SALDHIGAN waxay ka yidhaahdeen wax garadka reer Somaliland , tusaale prof. Axmed Ismaacil Samatar oo kulmiye ahi wuxuu yidhi waqtigaas anigu mabdda ahaan waan ka soo horjeedaa saldhig ciidan lkn hadii laga fursan waayo waa in 100 MILYAN lagu kireeyaa. Waxa runtii la rabay in qolyihii hormoodka ka ahaa ay eegaan baahida dadkooda iyo dhalintan bilaa camalka ah ee gidaarada tuban una baahan in loo jeediyo dhinaca wax soo saarka sida beeraha, kaluumaysiga iyo  dhaqashada xoolaha.

Haddaan soo gunaanado waxay ila tahay khalad weyn baa dhacay shacabkan baahana ma aqbalayaan hantidiinii baa 25 sano ku bedelanay dariiq iyo madaar, waxaadna moodaa qolyahaa heshiiska fool eryayay inay ka faaiidaysteen DURUUFO jiray oo xaga hogaaminta ahaa. Dhamaan waxay dadka u sheegeena waxay noqdeen sidii balli yar oo xareedi ku dhacday oo maalinba maalinta ka danbaysa sii gudhaya imankana huubadii maraya oo ah dariiq baa laynoo samaynayaa iyo madaar.

Xalku wuxuu ahaa in ay ugu yaraan 60 MILYAN ku kireeyaan dariiqana shirkad awood leh loo diro oo soo qiyaasta waxa ku baxaya dabadeedna ay Imaaraatka waydiistaan qaddimaad inta dariiqa ku baxaysa sanadkiina yidhaahdaan waxaan idiin celinaynaa 20 MILYAN afartanka soo hadhayna umadda wax ugu qabtaan lkn nasiib darro ma dhicin. Hadaba Imaaraatku waa waddan lacag leh waxay Ethiopia ku maal geliyeen 3 BILYAN (sadex kun oo milyan) mid afraadna waa la sheegayay innagana hantideenii yarayd bay bilaassh ku qaateen,mush macquul, waa halkii Saadaat madaxwynihii hore ee Masar baa laga sheegay markii la toogtay ma gacantii ciidankaygaan ku go’ay MUSH MACQUUL. Iminka ma xukuumaddii la rabay inay umadda u horseedo horumar iyo barwaaqo baa hantidii yarayd ee ay haysteen bilaash kaga bixisay MUSH MACQUUL.

Waxaan halkan BAAQ uga dirayaa Xisbiga Waddani oo isagu ka biyo diidanaa sida wax loo waday lkn aan loo joojin inay BAYAAN cad ka soo saaraan arrintan una cadeeyaan umadda reer SOMALILAND iyo IMAARAATKABA in heshiisyadaasi aanay caddayn dhacna yihiin shacabkuna aanu aqbalayn. Aad baan u hanbalyeenayaa dib u habaynta Xisbiga dhexdiisa ah. Xisbiga UCID isaga nasiib darro gudoomiyahoodu wuxuu ka mid ahaa qolyahaa marna Dubai u sii yaacaye marna ka soo socday.

C/razaaq Xiis

Fadlan lasoco qoraalka kan ku xiga oo ah muxuu dhib inagu keeni karaa Saldhigani………

13 Feb 2019

Advertisement

Ku Xayeysiiso