Shirweynaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ma Waxa Uu Noqon Doonaa Mid Shaadh Leeg Loogu Soo Tolayo Gudoomiyaha Xisbiga Ee Xiligan?!!!

 

Jawaabaha su’aalahan waxa ka jawaabi doona wakhtiga , akhriste adiguna waad isku dayi kartaa in aad aragtidaada ka dhiibato , hadii aad tahay dadka siyaasada somaliland aad ula socday sooyaalkeeda axsaabta iyo habdhaqanka ay caanka ku tahay , waxa aan aaminsanahay in aad saadaalin karto waxa ka soo baxaya shirweynaha golaha dhexe ee xisbul xaakimka kulmiye ku qabsanayo magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama dabayaaqada bishan February.

 

Xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbigii ugu cududa waynaa somaliland intii ka dambaysay geeridii madaxweynihii labaad ee somaliland iyo aasaasihii xisbigii Udub Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariisto e, waxaana isugu tagey wakhtigaa haloorkii iyo waxgaradkii reer Somaliland intoodii badnayd , haddaba waxa aad moodaa in uu marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayo.

 

Waxyaabaha hoos u dhaca keenaya sida aynu waayo araga u nahay waxa ka mid ah tartan la’aanta axsaabta siyaasada somaliland dhexdooda ka jirta , waxaana tusaale nool inoogu filan madaxweynaha somaliland ee hadda mudane Muuse Biixi Cabdi lagulama tartamin gudoomiyenimada xisbiga iyo murashaxnimadii madaxweynaha ee xisbiga kulmiye gudihiisa , arinkani waa mid ka mid ah waxyaabaha asxsaabtu ay u waayaan taageerada shacabka amaba ay dhici karto in xisbiguba ku burburo.

 

Arinkani waa kii ku keenay isaga oo KULMIYE xisbul xaakim ah oo waliba xisbigii somaliland ugu tunka waynaa ah in uu cidhiidhi galiyo doorashadii ugu dambaysay ee somaliland xisbigii ugu da’da yaraa axsaabta siyaasada somaliland ee WADDANI.

 

Waxaa hore inoo soo maray tusaaleyaal aynu aynu wax ka baran karno, kuwaasi oo uu ka mid yahay xisbul xaakimkii hore ee somaliland ee UDUB halka uu ku dambeeyay iyo sida uu saaxada siyaasada uga baxay kuna burburay, sababahan soo socda ee aan halka horena ku soo sheegay waa kuwa ugu waaweyn ee hanaanka dimuqaradiyada iyo axsaabta siyaasada somaliland ku ah caqabadaha iyo koriin la’aanta ee hagaasiyey markii aan in badan u raadinayey waxa ay u kori laadahay dimuqaradiyada iyo axsaabta somaliland iyo caqabadaha haysta;

 

▪ Hadii xisbiga gudihiisa laga waayo tartan si xor ah oo dimuqaradi ah loogu dhex tartamo oo lagu kala calaf qaado.

 

▪ Hadii aanay axsaabtu xeerarka iyo shuruucda u qoran raacayn oo aanu xisbiguna ahayn mid sharcigu si siman u qabanayo hogaanka iyo xubnaha.

 

▪ Hadii aanay axsaabtu aheyn qaar gudahooga lagu kala aragti duwanaan karo oo la doodi karo la iskuna ixtiraamayo kala duwanaanshaha fikirka iyo ra’yiga.

 

▪ Hadii aaanay axsaabtu noqon wax lawada leeyahay oo dadka ku jira iyo kuwa taageersani lexojelo kawada haynin oo aanay u arkeyn hanti ay wada leeyhiin.

 

▪ Hadii aanay noqon axsaabtu qaar dhibta iyo dheeftaba ay wada leeyihiin xubnaha xisbiga iyo taageerayashoodu haba la kala badsado e .

 

▪ Hadii aanay axsaabta siyaasada somaliland noqon qaar ay ka dhadhamayso oo ka muuqato waxii aynu u samaysanay axsaabta siyaasada somaliland oo ahaa in lagaga baxo qoqobka iyo qabiilka oo la isku raaco barnaamijyo iyo mabaa’dii.

 

 

Waxa ay dhamaantood noqon doonaan qaar hagaasa oo kori waaya waxaana ay madhalays ka dhigayaan mustaqbalkii iyo hanaankii dimuqaradiga ahaa ee dalkani qaatay, arimahan oo ah qaar aan inoo wanaagsanayn oo rajadii umada iyo dalkaba wiiqaya..

 

Waxa dhacaysa hanaankii iyo nidaamkii aynu ku soo tacaynay  18 sano ku dhowaadka in uu inaga noqdo mid inaga saariwaayey waxii aynu axsaabta siyaasada u samaysanay oo ay Somaliland ka dhaqaaqi waydo halkii ay ka soo guurtay iyo in wax loo doorto  qaabkii hore ee beelaha.

 

In badan oo horena aad baan wax uga qoray hadda na dib ayaan idiin xasuusinayaa ee axsaabta siyaasada somaliland waa hanti qaranka Somaliland leeyahay,  waxa ay u baahan yihiin in dhaqaale wanaagsan miisaaniyada qaranka loogu darro si ay u noqdaan qaar koraya oo uu maamulkoodu iyo dhismahoogu uga muuqdo ilaa heer tuulo.

 

Waxa ay ka mid yihiin axsaabta siyaasadu quruxda iyo muraayada uu qarankani isku daawado waxaana ay ka mid yihiin rukunada dawladnimada iyo dimuqaradiyada amaba nidaamka doorashooyinka xorta ah ee ay muwaadiniintu ku soo xulanayaan (5)sanadoodba hal mar hogaankii qarankan gadhwadeenka ka noqonayey, hay’adihii shuruucda iyo xeerarka lagu shaqeynayo soo saarayey iyo adeegayaashii bulshada sida dawladaha hoose oo kale.

 

Taladaydu waxa ay tahay in aan laga aamusin qalooca iyo waxkasta oo axsaabta siyaasada somaliland foolxumo ku keenaya ilaa aynu gaadhayno ujeedooyinkii laga lahaa ee muhiimka ahaa, oo aanay inaga noqon qaabka ay maanta u badan yihiin u eeg kaabad ama salaan kuraasida lagu gaadho ama lagu fuulo oo kaliya.

 

Aragtidii muwaadin

 

Muhammad Dhimbiil

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso