Guusha iyo guuldarraysiga ====Fursado===

 

Guusha iyo guuldarraysiga ====Fursado===
Waxbixintu waa fursadaha ugu qaalisan ee Alle raalli ahaanshihiisa lagu kasbado, waa mid ka mid ah jidadka loo maro caafimaadka, arsaaqda iyo deganaanshaha nafta.

Hase ahaatee awoodidda wax bixinta ayaa ah mid adag oo aanay dadku wada gaadhi karin, sidoo kale inta wax bixinta awooddaana ma wada awooddo in ay fursadda ka wada faa’iidaystaan oo waxbaxsadaan.

Qofku mar kasta oo uu awoodo in uu wax bixiyo waxa jira caqabado ka horyimaadda oo nafta dhinaceeda sharka iyo shaydaanku iyaga oo is kaashanaya isku dayaan in ay ka hor istaagaan wax bixinta.
Nafta iyo shaydaanku waxa ay xasuusinayaan baahiyihiisa qabyada ah ee aanu uga maarmayn waxan uu is leeyahay bixi.

Haddii uu ladanyahay oo intaas yari aanay waxba ka dhimaynnin, waxa uu shaydaanku ugu sheekaynayaa: waar kani run sheegi maayo ee waxba ha siinnin, wuu ku baranayaaye waxba ha siinnin, wax xun buu u adeegsanayaaye waxba ha siinnin, baryada ayuu shaqo ka dhigtay, dad kale oo ka mudan ayaa jira ee kuwaas ayaad siin doontaaye kan waxba ha siinnin!
Haddaad soomaali tahayna waxa uu ku odhanayaa waa reer hebelkii aynnu is hayn jirraye ha bakhtiyee waxba ha u dhiibin !

Dhinaca kale fidrada wanaagsan ee qofka ku abuuran iyo diinta ayaa ku dhiirigelinaya in uu wax baxsado oo gacanta furo, Allena wax ka wayn ka fisho.

Aayaddan ayaa tilmaamaysa loollankaas qofka dhexdiisa ku hirdamaya markasta oo uu is yidhaahdo wax la bax:

{الشَّيْطَانُ يَعِدُكُمُ الْفَقْرَ وَيَأْمُرُكُم بِالْفَحْشَاءِ ۖ وَاللَّهُ يَعِدُكُم مَّغْفِرَةً مِّنْهُ وَفَضْلًا ۗ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ} البقرة: 268
“Shaydaanku waxa uu idinku cabsi gelinayaa faqri, waxaanu idinku dhiirigelinayaa fuxshiga iyo sinada, Ilaahayna waxa uu idiin ballanqaadayaa denbi dhaaf iyo weliba dheeraad aad ku heshaan wixii aad bixiseen, Alle waa mid fadligiisu ballaadhan yahay oo cilmi badane ah”

Ogow sida uu samafalku u yahay fursadaha ugu qaalisan ee guusha, ayey dayacaadda fursaddaasina u tahay sababta guuldarrada !

Aayaddan xagga hoose ka muuqataa:
1- Waxa ay isku xidh-dhay waxbaxsashada/sadaqada iyo toosnaanta qofka!
2- Aayaddu waxa ay tilmaamaysaa mid khasaaray oo khasaarahiisu ka dhashay fursad soo martay oo aanu ka faa’iidaysan!
3- Waxa uu tamanniyayaa ama codsanayaa in fursaddii mar kale loogu celiyo si uu wax u sadaqadaysto, oo sadaqaysigaasna saalixiinta kaga mid noqdo !
4- Khasaaruhuba waa fursad aad awood u lahayd in aad ka faa’iidaysato oo aad dhayalsatay, hadday ku dhaaftana inta badan dib looma helo, kuwa aakhiraystayna suuraggalba ma aha in mar kale la helaa !

{وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ}

Walaalayaal samafalka ku dadaal, oo jaarkiinna, qaraabadiinna iyo guud ahaan bulshadaba waxtarkeeda ka warhaya, waa haddii aad doonaysaan in aad SAALIXIIN noqotaan, oo aad GUULAYSATAAN.

 

Dr-Abdulqani Beder

Advertisement

Ku Xayeysiiso