War Deg Deg ah : Golaha Guurtida oo Muddo kordhin u sameeyey Wakiilada Cayimayna Wakhtiga Doorashada.

Golaha Guurida ayaa muddo Kordhin u sameeyey Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhiga Guurtida oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha Md Saleebaan Gaal kana soo xaadireen 70 Xildhibaan ayaa waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Mudada Golaha Wakiilada ka dhigaan ilaa 12 Bisha Koowaad ee 2020, halka mudada Doorashadana u cayimeen in ay qabsoonto 12 Dec 2019.

Faahfaahinta Warkan kala Soco Wararka dambe ee ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso