Toban askari oo ka tirsan ciidanka QM oo lagu dilay weerar ka dhacay Mali

Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in weerar ka dhacay Dalka Mali lagu dilay ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ka jooga dalkaasi,kuwaasi oo u dhashey dalka Chad.

Kooxo hubaysan oo loo malaynayo kooxda dalkaasi Mali ee Tuwariq ayaa weerar ku qaaday xero ay deganyihiin ciidanka QM ee kutaala magaalada Aguelhok ee dalkaasi Mali waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 25 askari oo kale kuwaasi oo ka soo jeeda isla dalka Chad.

Howlgalka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ee dalka Mali oo bilowday sanadkii 2013 ayaa loogu talagalay in loogaga hortago fiditaanka kooxaha xidhiidhka la leh Alqaedada Maghreb ee gudaha dalkaasi,kuwaasi oo weeraro ku soo qaada inta badan xarumaha ciidanka nabad ilaalintu ay degan yihiin.

Warbaahinta dalkaasi Mali ayaa tabinaysa in maleeshiyaadka argagixisada ay sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi lagu dilay askar ka tirsan QM.

Maleeshiyaadka Tuwariq ayaa inta badan Waqooyiga dalkaasi qabsaday sanadkii 2012 ,balse waxaa looga saaray howlgal military oo uu hoggaaminayay dalka Faransiiska.

Waxaa dalkaasi Mali loo daad gureeyay ilaa 15,000 kun oo isugu jira ciidamo iyo shacab,kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka QM ee dalkaasi Mali,waxaana dowladdu ay dadaal ugu jirtaa sidii looga saari lahaa meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxahaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso