Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii -19-aad

Fikirka wanaagsan iyo fikirka qaloocan waxay noqon doonaan kuwo awood badan leh oo ka imanaya saameynta nashaadka leh, Runtana Allaa Og.
Saadaashaas oo ahayd mid ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaadan jireen, iyagoo isticmaalaya qaabab xeeladdaysan oo ay kaga hortagaan isbedeladda dabeecadda cimilada hawada iyo bad-maaxidda ee ku soo wajahan sannadkaas, inkastoo uu jiray dulmi xad-dhaaf ah oo laga cabsi qabay in uu dego markabkii aanu saarneynee S-Dnal-Re.
Intaasi ka dib, waxaynu halkan ku eegi doonaa tix-gabaya oo waano iyo dardaaran faraysa qaabka wariyuhu ugu soo tabiyo bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah ee ku saleysan xaqiiqada dhabta ah iyo xoggaha qarsoon, waxaana gabaygaas tiriyey, Abwaan, Muuse Cali Faruur.

“Wariyaha intuu gobol u kacay, kii wajaqay doontay
Ee sida wax-qabadkiisu yahay, war uga soo qaatay
Waxba ma’tare waxaan jirin adaa weel ku soo shubaye
Wadarta iyo halkii weecsan, ayuu wabaxii joogaa”

Naakhuudihii markabkaas S-Dnal-Re ayaa wax ka bedel iyo dib u habeyn ku sameeyey qaybo ka mid ahaa waaxyihii markabkaas, waxaanu Waaxda Khayraadka Hilibka Cad hoos geeyey Waaxda Khayraadka Hilibka Cas, arintaas oo aqoon yahanada ku xeelka dheer leh, dhinaca deegaanka, waxa ay ku tilmaameen in aan aad loo lafo-gurin arintaas saameynta ay ku yeelan doonto maalmihii foodda ku soo hayey himilladii uu hiigsanaayey markabkaas, wakhtigaas oo ahaa, wakhti loo xusul duubnaa hayaankii geeddiga horumarinta khayraadka hilibka cad, wakhtigaas oo laga guuraayey khayraadka hilibka cas oo waxyeelooyin badan oo caafimaad darro ah ku keenay dadkii saarnaa markabkaas.
Naakhuuduhu waxa kale oo uu hoos u dhigay qaab-dhismeedkoodii shaqo ee Qaybta Wax Ka Qabashada Miinadda Badda iyo Walxaha Qaraxa, waxaanay ku tilmaameen khuburada inta badan ka faalooda arimaha ciidamada, in ay ahayd mid lagu degdegay, taasoo ay ku sababeeyeen in wakhtigaas hol-canayeen qaybo ka mid ahaa guddaha maraakiibtii u kala gooshaysay baddaha waaweyn ee aduunka, isla markaana aan laga fikirin qorshe kale oo loogu tallo-galay in lagu jiheeyo shaqaale tiro-badanaa oo ka fadhiisanaayey shaqadii ay u hayeen waaxdaas iyo saameynta ay ku yeelan doonto dhinaca degenaanshaha Markabka.
Dhinaca kale, Guryaha markabka ayuun baa daris ahaa, laakiinse, dadkii saarnaa markabkaas daris may ahayn, sababtoo ahayd, wali lama arag dadkaas iyagoo si wada-jir ah uga dhiidhiyaayey dulmigii ay ku hayeen Dugsiyada waxbarshada ee gaarka loo lahaa, haddaba, marka aynu eegno dhinaca dugsiyada waxbarashada gaarka loo leeyahay oo wakhtigaasi ay ka jireen dulmi iyo lacag xaaraan ah oo ay ka qaadi jireen fasax-dugsiyeedka labada bilood ee ay fasaxa ku jiraan ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaas..
Haddii ay bixin waayaana lacagta labada bilood ah ee ay fasaxa ku jiraan ardaydaas, looma ogaal jirin inay ka qayb galaan imtixaanka laga qaadayo ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanay arintaas culeys weyn ku ahayd waalidiintii dhalay ardaydaas in ay ka bixiyaan lacagtaas xaaraanta ahayd ee laga qaadi jiray ardaydaas.
Waxa kale oo khasab lagaga dhigi jiray ardaygii oo sita buuggaagtii uu ka gudbay walaakiisii dhigan jiray fasalkii ka horeeyey. in uu ka iibsado buuggaag kale manhajka waxbarashada qaybta keydka buugggaata dugsiga.
Waxaan la kulmay wariyeyaal wareysanaayey dumar ka ganacsanaayey iibka liska caanaha xoolaha oo fadhiyey goob aan ku habooneyn ganacsiga iibka liska xoolaha, waxaana ka mid ahaa, saddex su’aalood, su’aalihii la waydiinaayey caanalaydaas, in ay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ka soo gala iibka liska caanaha nolol maamlmeedkoodu, qiimaha cashuurta dowlada hoose ka qaado iyo sababta dowlada hoose ugu sameyn wayday goob ganacsi oo ay ku iibiyaan liska caanaha xoolaha?
Waxaanay kaga jawaabayeen su’aalahaas, haa sowdigaa arkaaya in aanu ku tiirsanahay dhaqqaalaha naga soo gala iibka caanaha, qiimaha cashuurta aanu bixinaa waa 30,000 -SL shillin, ma’garanayno, su’aashaas sababta ay noogu dhisi waayeen goob ganacsi, ee iyagaydun weydiin doontaan.
Wariyuhu waa garsooraha u dhexeeya xukuumada iyo bulshada, kaasoo u soo gudbiya bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah, warar dheeli-tiran oo ku salaysan xaqiiqooyin dhab ah iyo xoggo-qarsoon, inkastoo su’aalahaasi ay ahaayeen kuwo wacnaa, haddana, waxa kale oo goobtaas ka muuqatay mushkilad labaad oo ka weyneyd mushkiladdii hore, taasoo ahayd caafimaad darrada ka dhalanaysay weelka lagu keenayey liska caanaha xoolaha, weelkaas oo ahaa caagado wasakhaysan iyo in lagu ridaayey lacag waraaqo ah guddaha caagadihii ay ka dhamaadeen caanuhu, wakhti ay la daalaa dhacayaan xannuuno badan oo aan hore ugu dhici jirin dadkii saarnaa markabkaas,
Marka naakhuudayaasha hoggaamintoodu wanaagsan tahay ka dhamaadaan dunida, waxa dadka ku soo hadha kuwa doonaya in la raaco rayigooda iyo rabitaankooda oo kaliyaata, Aqoontu waxay ururisaa xoggaha iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waxbarashada aqoonneed iyo waayo-aragnimda qofeed, halka murtiduna ay tahay hellitaanka xukun tayadiisu ay wanaagsan tahay, kuna salaysan aqoon faham-awoodeed leh, marka la isku geeyo aqoonta iyo murtida, waxa ka soo baxa fulinta xaqiiqada go’aan qaadasho ugu fiican, Fahamku waa awooda lagu fahmo aqoonta iyo rabitaanka qofka, waxaanu ku koraa, marka aynu inagu ku dhaqano, waxaynu ku wacdiyeyno.
Garashaduna waa qaabka lagu hello xaqiiqada fahamka qotoda dheer leh ee ku saabsan doorashada aqooneed ee qofnimo, garashadu waa awooda sameysa aqoonta, go’aanka, joogteynta fulinta qaybaha nolosha, haddiiba ay aqoontu leedahay awood, murtiduna ay tahay habka doorashada loo isticmaalayo awooddaas, fahamkuna uu yahay fulinta doorashada lagu isticmaalayo awooddaas, garashaduna ay tahay joogtaynta fulinta doorashada loo isticmaalaayo awooddaas mustaqbalka, haddii aynu yeelano garasho oo aynu u rogno fulin, aqoonta, murtida iyo fahamka, oo aynu sii joogtayno, waxaynu yeelan lahayn kalsoonidda badan dhinaca mustaqbalkeena…….la soco……………………..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso