Madaxweyne Kenyatta oo shaaciyay tirada dhimashada weerarkii Dusitd2 hotel

 Madaxweynaha dalka Kenya, Uhurru Kenyatta oo hadda shir jaraa’iid ku qabtay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ee DusitD2 hotel ee magaalada Nairobi.

Wuxuu intaa raaciyay in goobta laga soo badbaadiyay dad kor u dhaafaya 700 oo qof.

Mr Kenyatta ayaa ammaan u jeediyay ciidamada ammaanka ee Kenya oo sida uu sheegay caalamka tusay in ay ka adkaadeen argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadanka uu amni yahay, xaaladana ay ku soo laabatay sidii hore.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegaysa in dhaawacyo gaadhaya ilaa 30 qof lagu dabiibayo xarumaha caafimaad,kuwaasi oo qarakood xaaladdi ay tahay mid aad u liidata.

Advertisement

Ku Xayeysiiso