Shalay waxaa Soomaali u cadaatay in Golihii Shacabka ee Baarlamaanku uu gabay awoodisii kor joogtaynta, waxaan sugnaa…. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur


Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay Laba xeer oo baarlamaanka Dalkaasi Somaliya ansixiyey maalintii shalay, kaas oo uu ku sheegay in ay gabeen awoodoodi.

Hadalka Siyaasigan ayaa u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan:-

Shalay waxaa Baarlamaanka la mariyey labo sharci oo laba qodob laga bedelay. Kan hore wuxuu ahaa Sharciga Bankiga Dhexe oo laga bedelay qodobka 12aad oo ah in ruux ajnabi ah Bankiga Dhexe loo dhiibo karo. Sharciga labaad waa sharciga Hanti-Dhowka Guud. Waxaa la bedelay qodobka 20aad oo Hanti-Dhowrka Guud madaxbanaanida looga qaaday. Qodobka la bedelay ayaa dhigaya in magacaabista Hanti- Dhowrka uu Golaha Wasiirada soo jeedinta leeyahay, halka uu Baarlamaanka ansixinayo, Madaxweynahuna wareegto ku soo saarayo. Waxaa meesha laga saaray awooda Baarlamaanka ee Ansixinta, taasoo madaxbanaani buuxda siin lahayd Hanti-Dhowrka Guud. Waxaa taa bedelkeeda laga dhigay in Xukuumadu soo jeediso, Madaxweynuhuna uu wareegto ku magacaabo. Baarlamaanka gacantiisa ayuu awooda isaga qaaday. Waxaa halkaas ka cad in uusan jirin Baarlamaan difaacaya danta Shacabka iyo dawladnimada Soomaaliya.

Saamaynta taban ee ay leedahay in Hanti-Dhowrka Guud la hoos geeyeyo Xukuumada ayaa ka daran in ruux Ajnabi ah Baanka Dhexe loo dhiibo. Sababtoo ah Hati-Dhowrku awood uma laha in uu Xisaabiyo Xukuumada, ummadana Hantidooda u dhowro. Tani waxay dhabarjab wayn ku tahay horumar kasta oo laga samayn lahaa hufnaanta Hanaanka Maaliyadeed ee Dalka, waxayna caqabad ku noqon doontaa deeqaha la siinayo dalka iyo daymihii laga cafin lahaa.

Shalay waxaa Soomaali u cadaatay in Golihii Shacabka ee Baarlamaanku uu gabay awoodisii kor joogtaynta, waxaan sugnaa in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay damiir iyo dadnimo ku hartay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso