Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Dalkaasi Somaliya oo u dhoofay Dalka Jordan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso