Muuse Biixi Iyo Talada Dalka DEEGAANKA PUNTLAND (Qaybtii 52aad) Qore : Maxamed Xoosh

Keli Taliyihii Maxamed Siyaad Barre Ayaa Laga Hayaa SOOMAALIYA WAXAAN KA XORAYNAYAA DADKA U DHASHAY DEEGAANKA PUTNLAND

Shaki Kama Taagna In Dadka U Dhashay Puntland Inay Siyaasadda Soomaaliya Qacan Sare Ku Lahaayeen Ilaa Maantana Ay Ku Leeyihiin Cudud Siyaasi Ah, Sida Dadka Somaliland U Dhashay Ay Ganacsiga Ugu Wanaagsan Yihiin Oo Kale

Markii Soomaaliyadii Weynayd La Waayay Deegaanka Puntland Wixii Ku Dayday Jamhuuriyada Somaliland Oo Markaa Hano Qaaday

Waxa La Yaab Noqotay Maadaama Reer Puntland Ay Ahaayeen Dad Talada Soomaaliya Hogaamin Jiray In Ay Maanta Ku Baaqaan Maamul Guud Oo Qabyaalad Ku Dhisan {SOOL IYO SANAAG WAA NALA QABIIL}

Xaga Somaliland Ku Doodayso Xaduudaha Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay Laga Ictiraafsan Yahay Oo Ah Xuduudihii Mustacmirku Ka Tagay Oo Dunida Oo Dhan Ka Dhaqan Galay

Dooda Puntland Ee Qabyaalada Ku Dhisani Waa Mid Jaban Oo Aan Suurtagal Ahayn , Waxayse Door Weyn Ka Ciyaartay Doorashadii Shalay Ka Dhacday Barlamaanka Puntland Oo Ay Ku Jirtay Waa In Somaliland Laga Xoreeyaa Sool Iyo Sanaag

Somaliland Talaabooyin Waaweyn Ayay Qaaday Dhinaca Dimuqraadiyada Iyo Xisbiyada Badan Iyo Weliba Dawladnimada Waxaana Sabab U Ah Keni-adayga Dadkeeda Iyo Asaasaasayaashii Jabhadii Xaq U Dirika Ahayd SNM Oo Weli Nool Sidoo Kale Talinaaya

SNM Doorkeedii Taariikhiga Ahaa Wey Qaateen , Waxa Se Loo Baahan Yahay Facii Ilaashan Lahaa Ee Kala Reebi Lahaa Somaliland Iyo Soomaaliya “Puntland” Oo Xaaladeeda Naf Ahaaneed Fayowdahay

Xalalka Badan Ee Lagu Waajihi Karo Isbadalada Geeska Afrika Ka Jira Waxaa Ugu Mudan Iyadoo Somaliland La Adkeeyo Dawladnimadeeda Iyo Dhaqaalaheeda Hadii La Helo Arinkaa Isbadal Kastoo Soo Foodsaara Geeska Afrika Somaliland Guul Ayay u Noqonaysaa

Waxa Keliya Ee Gobalka Puntland Iyo Jamhuuriyada Somaliland Ku Kala Duwanaayeen Imikana Ku Kala Duwan YIhiin Waxa Weeye PUNTLAND NINKA SIYAASIGA AH KA DHASHA WEY QADARIYAAN HOGAANKANA WEY KU AAMINAAN , XAGA SOMALILAND SIYAASIGA INDHEERGARADKA AH LA XAASIDO LANA FOGEEYO DAGAAL IYO XAG XAGASHO LALA GALO

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso