Cabashada Saami Qaybsiga Barlamaanka iyo Guurtida ee Awdal iyo Sool Waa Mid Sed Bursi Ah Laakiin Ay Xaq iyo Gar Ku Leeyihiin

Cabashada Saami Qaybsiga Barlamaanka iyo Guurtida ee Awdal iyo Sool Waa Mid Sed Bursi Ah Laakiin Ay Xaq iyo Gar Ku Leeyihiin.

Dorashada parliament ka laba arrimood baa ku gadaaman. Midda hore waa tan imika warka ku jirta ee Xisbiyadu ku kala rayi duwan yihiin in Gudiga Dorashada dhamaantoodba la bedelo iyo in wax lagu kordhiyo. Arrinka labaad waa saami qaybsiga oo labada gobol ee Awdal iyo Sool shicibkoodu aanay ku qanacsanayn xiligan imika la marayo. Waxay leeyihiin Qaranka Somaliland talo gacan uguma jirto beelaha darafyada, meel kasta beesha dhexe ayaa tiro badan maamulka iyo aqlabiyaduna iyaga ayuun bay noqonaysaa markasta. Doodooda waxa weeye sad bursi ha nala siiyo oo qaawan si qaranku ugu badbaado beelaha darafyaduna u heelaan meel taladu gacantooda ku jirto oo beesha dhexe aanay tiro ku muquunin doonin. Taas oo marka ay timaado ka siinaysa qayb talada qaranka Somaliland.

Ujeedada labada gobol ee Awdal iyo Sool maaha waxanu tiro le’eg nahay beesha dhexe ee awooda laba is le’eg inoogu qaybiya; ujeedadoodu waxa weeye talada guud ee qaranka wax naga siiya oo aynu u sinaano. Taas oo mahnaheedu yahay Madaxtoyoda markasta waxa lagu helayaa tiro badnaan oo waxa helayaa beesha dhexe, taas macnaheedu maaha, suurto ma aha in qof reer Awdal ama Sool ku guulaysto doorashada, way dhici kartaa, laakiin marka tiro wax lagu qaybsanayo way Adag tahay oo inta badan helaysa beesha dhexe. Dhinaca labada gole ee barlamaanka iyo Guurtidana tiradooda waxa u badan tahay beesha dhexe oo markasta cod aqlabiyad ah wax ku meel marinaya. Hadaba sidee ayay beelaha darafyadu talo Qaranka Somaliland ugu lahaanayaan haddii aan wax sed bursi ah oo talada badhkooda siiya aan helin.

Hadaba sidaas ayay beelaha darafyadu saami gaara u rabaan si ay talada Qaranka meel uun kula sinaadaan beesha dhexe. Waxay ku garnaqsanayaan waar anaga oo aan Somaliland doonaynin ayaanu danta guud ka raacnay, dadkayagu waxay u baahan yihiin meel iyaga sad bursi lagu siiyay oo talada qayb libaax ay ku haystaan. Hadda way ogyihiin inay sad bursi doonayaan laakiin waxay ku doodayaan waa sida qalbigooda dejinaysa ee qaranimadana xoojinaysa. Waxay leeyihiin waar talada aan u sinaano hal meel oo keliya ee beelaha darafyada iyo beesha dhexe talada u Siman yihiin. Madaxwaynaha waa la doorayaa looma sinaan karo. Bal markaa ama barlamaanka sharci dejinta ama guurtida talada beelaha darafyada iyo beesha dhexe haw sinaadaan. 

Anigu marka hore waxan ku raacsanahay in la siiyo sed bursi laba gobol ee Awdal iyo Sool; waayo qaranka Somaliland ayaa imika ku sii xogaysanaya. waxan ku talinayaa in Awdal iyo Sool la siiyo sed bursi dheeraada golaha Guurtida dhexdiisa. La siiyo tiro aad uga badan ta ay imika leeyihiin ama xaq u leeyihiin, iyada oo ujeedadu tahay beelaha darafyadu waxay awood dheeraada ku leeyihiin golaha guurtida. Sed bursigaana waxay ku heleen si loo badbaadiyo qaranimada Somaliland. Taas macnaheedu maaha qaranimada miyaa la kala iibsanayaa, laakiin macnaheedu waxa weeye, in qalbiga shicibka Somaliland la isugu dejiyo oo cidina tirsan waa laga tiro badan yahay oo talada waxba kuma lihid, oo la sameeyo meel beelaha darafyadu ku muujiyaan taladooda.

Waxan tusaale u soo qaadanayaa Waddanka Maraykan ka 50 kiisa gobol kastaa wuxu ku leeyahay aqalka Senate ka laba Xildhibaan, Senate wuxu u dhigma Guurtida Somaliland. Waxa is Xildhibaano le’eg maanta gobolka Wyoming oo ay ku nool yihiin 570 kun oo qof, iyo gobolka California oo ay ku nool yihiin 39 million iyo 700 kun oo qof. California waxay dheertahay xaga dadka tiradooda Wyoming 39 million oo qof, hadana way is xildhibaano le’eg yihiin. Sababta ay sidanu u dhacday waxay ku timi sed bursi la siiyay gobolada yar yar sannadkii 1787 markii laga doodayay samayn ta dastuurka dalka Maraykanka. Xiligaas ayaa goboladu markaa way koobnaayeen oo waxay ahaayeen 13 gobol oo keliya. Markaa waxa cabasho keenay oo diiday inay saxeexaan dastuurkii goboladii yaryaraa oo xiligaa gobolka New Jersey horkacayso, iyaga oo ku dacwoonaya talada looma sina sida dastuurka markaa loo soo odorasay, waayo gobolada waawayn oo hormood gobolka Virginia ay u ahayd talada waxay ku maroorsanayaan tirada dadka badan oo siinaysa cod aqlabiyad ah markasta, sidaa daraadeed gobolada yaryari waxay noqonayaan uun goob joog laakiin runtii talada waxba ku yeelaan maayaan. Ka dib muran badan ayaa arrinkan ka dhacay, is qancin fara badan ka dib waxa la gaadhay wax loogu yeedhay (Compromise Agreement) ama Heshiiskii Isutanaasulka. Markaas ayaa Dastuurka Maraykanka lagu daray in gobolka kasta leeyahay laba Xildhibaan AQALKA Senateka, Sidaa waxa ku badbaaday dastuurkii Maraykanka, kaas oo maanta qeexaya in Gobolkasta oo Maraykanka ka mid ahi yeesho laba xildhibaan Aqalka Senate ka, sidaan hore u sheegay waxa kuraaska ka siman Wyoming oo 700 kun ku nool yihiin iyo California oo 39 Milyan oo qof ku nool yihiin, taasu waxay xildhibaanada Wyoming siisay awood fara badan oo ay ku hor istaagi  karaan ama joojin karaan wax fara badan haddii aan taladooda la tix gelinin marka talada Qaranka laga wada hadlayo.

Maanta reer Awdal iyo Sool hadalkan xaq bay u leeyihiin waayo beesha dhexe way ka tira badan tahay, meel ay wax ku joojiyaan ama ka socodsiiyaan ayay u baahan yihiin inay helaan, si ay uga qayb qaataan talada qaranka. Haddii aan goboladii yaryaraa ee dalka Maraykanka aan loo ogolaan sed bursigii ay doonayeen ee talada wax ka siiyay, oo aan la siin tiro la mida tirada ay heleen gobolada waawayn ee dadka badani ku nool yihiin, maanta wax USA la yidhaahdaa may jirteen.

Waxan ku soo gunaanadaa Beesha dhexe runta iyo xaqiiqada reer Awdal iyo Sool sheeganayaan ha garawsato, tanaasul ha samayso, yaan laga fekerin bun tirsi iyo waxa maanta taagan, ee halaga fekero badbaadada qaranka 100 ka sanadood ee soo socda. Wax ka wayn saamiga ay maanta Awdal iyo Sool ku gorgortamayaana ha lagu daro sharciga oo ha helaan sed bursi Awdal iyo Sool, taasoo u muujisa wiilka iyo gabadha yar ee ku nool Awdal iyo Sool in Qarankan taladiisu qacantooda ku jirto oo aanay cidna u daba fadhiyin. Taasuna waxay Qaranka Somaliland badbaadinaysaa 100 ka sanadood ee socota. Maanta fursadaa wax lagu saxayo ayaa jirta, laakiin waxa iman karta maalin fursadan wanaagsani aanay gacanta Somaliland ugu jirin siday imika ugu jirto. 

Waxan illaahay ka baryayaa inuu maanta talada saxda ah ina garansiiyo, waxan shicibka Somaliland dhamaantood kula talinayaa waxyaabaha qarankeena xoojinaya inaynu meel uga soo wada jeesano oo aynaan eegin qofbaa dheef ka helaya iyo wax la mida.

Qore: Rashid Garuf

Advertisement

Ku Xayeysiiso