ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2019-ka

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    

 

Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban, duniduna waxay ku joogtaa awooda amarka Eebe, cidina lama wadaagto, isagaanay u sugnaatay qadarkiisa iyo maamulkiisa xukunka kownkan,

 

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

 

Dhinaca ku dhaqanka saadaasha xidiguhu, waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida iyo dowladaha.

 

Haddaba, waxa aynu malle aadame ku male’awaali doonaa, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2019-ka, Waxaanay odhan jireen dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin”.

 

Moorada Sannadkan 2019-ka, wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Salaasaad oo loo nisbeeyo astaanta sideedaad ee moorada Alleelaalaha, godadka dayaxu uu marana waxa ku leedahay Libcas iyo Mareeg-dheer, waana xilliga kala badha badhtamaha Deyrta, waa burji Maa’I ah, waa dhadig mugdiile balaadhan oo aamusan, waa cabqari qabow,  jihadiisuna waa Koonfur,  haddii ay xigto dhinaca qorax ka dhaca waa nuxuus iyo sidci isku jira,.

 

Mooradan waxay ku lug-leedahay dhinaca, dabeecaddaha caqli-galka ahi inay saameyn ku yeeshaan dhiirigalinta cadhada degdega ah ee ku salaysan isbedelka awoodaha khuseeya xaalad kasta oo jirta, waa in aad sii wadaa halgankaas adigoo naftaada u sheegaaya,  kamana hor-joogsan kartid tijaabooyinkaas, hadalna wax’ba lagagama joojin karo, sababtoo ah, waxa kaaga imanaya dhaawac, laakiin, waa inaad si fiican u ogaataa ficiladda kaaga soo noqonaya.

Nolosha iyo dareenka noloshu waa waayo-aragnimada loo maro kacdoonka iyo xiisaddaha kacsanaanta,  hab-dhaqanka dabeecaddaha dagaalka badan waa mid khuseysa khiyaamada inta badan soo noqnoqota , ka aamusida, lagana qariyo dhalin yarada aqoonta leh waxa ay arkayaan ee u muuqda,  fikradaha qotoda dheer leh ee ka soo burqanaaya maskaxdaada, ayaa ku abuuraaya in ay dadka kale ka cadheysiiso illaa iyo xad hab-dhaqankaaga in lala yaabo.

Waxa kale oo lala xidhiidhiyaa xaaladaha adag, dareenadda xooga badan, su’aalaha iskhilaafsan  ee had iyo jeer iska horyimaada ee loogu yeedho ruuxiga, daldaloolinta dhiirri-galinta dareenka cabiraadda, cuntada, khamriga iyo galmada.

Waxaana muhiim ah in la iska illaaliyo qalliinka is-gooysyada, xubnaha taranka, qanjirada, xiidmaha mindhicirka weyn, kalyaha iyo  kaadi mareenka.

Dhinaca Dowladaha:- Waxa la odhan jiray,  waxa si bani’aadanimo ah hoos loo eegi doonaa in la aqoonsado xuduudaha, iyadoo la qeexaayo  asalka halka ay ka soo farcan tay,  Inkastoo dawladaha qaarkood ay u muuqdaan inay iska caabinayaan arintaas, haddana, waxa suuro-gal ah in ay ku dhamaato nabadda iyo isafgarad buux, ugu danbeyntiina ciidamada waa kuwo ka xoog badan sharciyada dadka doonaaya nolol xadidan oo ay ku noolaadaan, kama dambaystana, dareenkoodu waxa uu  heli doonaa nolol raaxo leh oo ay ku qanacsan yihiin habdhaqanka ruuxiga iyo adeega waxbarashada.

Dhinaca Siyaasadda: Wakhtigan waxa inta badan jiri doonta isticmaalka diidmada xaqiiqda dhabta, isticmaalka tamartaasi waxay daboolaysaa xaqiiqadu siday tahay, waxaana haboon in la raaco fikraddaha soo gaadhaya qaybaha xog ururineed ee kaydka maskaxaha ee ay aadka u sareeyso xaqiiqaddoodu.

Tani waa mid inaga caawineysaa maalinkasta oo inagu baraarujinaysa ahmiyada ay leedahay jiritaanka nabadda iyo farxaddu, si aad u aqbasho xaaladda wakhtigasta taagan, taasoo, ugu danbeyntiina inoo horseedi doona heerka miyir-beelka la qabsiga quusta, dhacdooyinka maalinlaha ah ee isku –dheeliga tiran  aynu la kulano wakhti kasta awooddoodu ay sumeysan tahay.

Dhinaca wanaagsan marka aynu ka eegno, “dagaal yahanaddii iftiinka,” waa in aad isku daydaa wax ka qabashada ficillada iyo go’aamadda masuuliyaddeed, si kastaba ha ahaatee, waa in la muujiyaa u diyaar garowga ka hortaga xaaladdaha aan khaladaadka lahayn cadeyntooda iyo isku-xidhnaantooda,…….La soco………

 

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Astrologist

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso