Bukaanno la Il-daran Cudurka Ebola oo ka cararay dibed-baxyo ka dhacay Koongada Dimoqraadiga ah

huUgu yaraan Labaatameeyo bukaan ah oo la Il-daran cusurka Ebola ayaa isaga cararay goobihii lagu baxnaaninayay xaaladdooda Caafimaad, markii ay weerar ku qaadeen Dadweyne dhigaya dibed-baxyo rabshada wata.

Dhaqaatiirta Gobolka Beni, ee Gacanta ku hayay Dadka xanuunsanaya ayaa sheegay in Bukaanka ka baxsaday goobta ay ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee laga helay Cudurka Ebola.

Dadka dhigaya dibed-baxyada, ayaa la sheegayaa in ay ka caraysanyihiin dib u dhac ku yimid mar kale doorashooyinkii Madaxtinimo ee lagu waday inay Maalinta Axadda ka qabsoonto Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah.

Waxaanay Dowladdu sabab ugu dhigtay dib u dhaca doorashooyinka, dagaallo sokeeye iyo Cudurka Ebolla oo ka dillaacay qaybo ka mid ah Dalkaasi,iyagoo mucaaradku ay ku eedeeyeen Madaxweyne Joseph Kabila, inuu doonayo muddo korordhsi, taageerayaashuna waxay dhigeen marar kala duwan bannaan baxyo rabshada wata oo ay Dad ku dhinteen.

Xarumo ay Maamusho hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa lagu wareejiyay inta ka hadhay bukaannadii baxsaday, waxaana halkaasi la geeyay Ciidan badan oo Boliis ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Advertisement

Ku Xayeysiiso