Donald Trump Oo Booqasho Qarsoodi ah ku tagay Wadanka Ciraaq

Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa booqasho aan horay loosii shaacin ku tagay deegaan ku dhow magaalada Baqdaad ee caasimadda wadanka Ciraaq. 

Donald Trump oo ay la socdeen xaaskiisa iyo lataliyihiisa dhanka Ammaanka John Bolton ayaa diyaarado gaar ah ku tagay garoonka melleteriga Ceynul Asad oo kaabiga ku haya magaalada Baqdaad.

Trump wuxuu kumanaan katirsan ciidamada Mareykanka kulan kula yeeshay gudaha saldhig melleteri isagoo hadlayay ayuu xaqiijiyay in socdaalkiisu ahaa mid sir ah islamarkaana uu doonayo in ciidamada American-ka ah uu kala qeyb qaato ciidda Cirismiska gaalada.

Isagoo hadlayay ayuu muujiyay walaac dhan walba ah wuxuuna yidhi “Waa wax aad looga murugooda in aan todobo Tarliyoon oo dollar aan ku bixinno bariga dhexe marka aad halkaas aadeysidna socdaalkaagu noqonayo qarsoodi, oo diyaarado iyo saanadaha melleteri ee caalamka ay kugu hareeraysan yihiin intaas oo idilna waxaad u sameynaysaa in aad si nabad gelya ah ku gashid mandiqadda”.

Mas’uuliyiinta aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradda uu ku safrayay Trump ay magaalada Washington kasoo duushay iyadoo ay nalalku udansanyihiin si shacabka Americanka ah aysan u ogaan safarka Madaxweynaha.

R/wasaaraha xukuumadda Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa diiday in uu kulan laqaato Trump wuxuuna ku macneeyay khilaaf ku saabsan halka uu kulanku ka dhacayo.

Socdaalka Trump ayaa imaanaya xilli mareykanku uu ciidamadiisa ku sugan Suuriya uu lasoo baxayo balse wasaaradda G/dhigga waxay sheegaysaa in aan ladhimi doonin ciidamada ka jooga Ciraaq oo tiradooda lagu sheego 5000 oo askari.

Advertisement

Ku Xayeysiiso