Doorashada madaxweynaha dalka Madagascar oo maanta dhacaysa

Dadweynaha Reer Madagascar oo lagu qiyaaso ilaa 10 milyen ayaa lagu wadaa in maanta ay u dareeraan goobaha codbixinta doorashada,si ay madaxweyne cusub u doortaan.

Waxaa la sheegaya in Ololaha doorashada ay tahay mid u dhaxeeysa labo musharax oo kala ah Marc Ravalomanana iyo Andry Rajoelina,kuwaasi oo labadoodiba horey xilal uga soo qabtay dalkaasi Madagascar.

Mushraxa lagu magacaabo Marc Ravalomanana ayaa madaxwaynaha Madagascar loo doortay 2002, balse waxaa xukunka laga qaaday ka dib markii ay dalkaasi ka dhaceen dibadbaxyo is xig-xigay oo uu horkacayay Andry Rajoelina sanadka markuu ahaa 2009.

Xiligaasi waxaa dalka Madagascar  madaxweyne ka noqday Andry Rajoelina oo markaasi ahaa duqa caasimadda Antananarivo,taasi oo ka dhigaysa in labada loolamaysa ay waxbadan ka yaqaaniin siyaasadda dalkaasi.

Beesha caalamka ayaa ayaa Labadan musharax ka mamnuucday in ay ka qaybgalaan tartankii doorashadii 2013,iyadoo xiligaasi laga walaacsanaa qalalaasiyo siyaasadeed ay dalkaasi ka dhacaan,balse Marc Ravalomanana iyo Andry Rajoelina ayaa haatan ku loolamaya xilka madaxtinimo ee dalkaasi.

Doorashadan ayaa ah wareegii labaad,waxaana Wareegii hore ee doorashada ee la qabtay 7 bishii November ee sanadkan, Andry Rajoelina uu ka galay kaalinta koowaad isaga oo helay 39% halka Marc Ravalomanana uu kaalinta labaad soo galay isaga oo helay 35% codadkii la dhiibtay

Waxaa lagu soo waramaya in dadka Codbixiyayaasha wareegii hore ee doorashada aan codkooda dhiiban ay tiradoda ahayd 45%,waxaana laga walwalsanyahay mushkilado siyaasadeed maadaama dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Madagascar ay sheegayaan in aan la filan Karin wax isbedelo ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso