Nigeria oo qaadday howl-joojin la saaray hey’adda UNICEF

Ciidamada Nigeria ayaa qaadday  howl-joojin saarneyd hey’adda Qaramada Midoobay u qqaabilsan Caruurta UNICEF,ka dib markii hey’addaasi lagu eedeeyay in ay carqalad ku yihiin dagaalada looga horjeedo kooxda Boko Haram .

Onyema Nwachukwu, Afhayeen u hadlay ciidamada oo ku sugan gobolka Woqooyi Bari ayaa manta sheegay in la qaaday howl joojin socotay muddo 3-bilood ah oo la saaray hey’adda Unicef,ka dib kolkii uu tilmaamay in ay la kulmeen Wakiil ka socday hey’addaasi.

Ciidamada Nigeria ayaa ku eedeeyay xubnaha hey’adda UNICEF In ay tababarro siiyaan dadka gobolka,isla markaana ay u basaasaan kooxda Boko Haram,halka la tilmaamay in hey’addasi ay bixiyaan casharro ku saabsan ka hortagga kooxdaasi.

Gobolkaan oo ah kan  kaliya ee ku tiirsan kaalmada caalamiga ah ee dunida,waxaa ku dhintay  In ka badan 30,000 ,tiro ka bandanna waxa ay ka barakaceen guryohoodii,ka dib markii kooxdaasi ay halkaasi ka bilaabeen dagaallo ay kaga horjeedaan ciidamada dalkaasi..

Advertisement

Ku Xayeysiiso