Godadka Dayaxa  Cilmiga Xidigiska Q:3aad

Maraq-dhiigle: soomaalidi hore waxay tidhaahdaa godkan qofka dhasha waa qof dagaal badan oo faraha laga qaad ah, kuna ah geesi dhanka dhagarta iyo dad dilka badanaana waxa dhasha, Ragga dagaalada hogaamiya , Abaan duulayasha ciidamada iyo dagaal galiyaasha   beelaha.

Laxo: laxo waa koox xiddiga ah, yaraantayadiina aanu cirka ka day dayi jirney habeenkii, waxana aanu waydiin jirney waalidkayaga, markaasey noo tilmaami jireen, na odhan jireen markey laxo dhacanbey, laxo dhashaan,

 Waxaan filayaa in ay intaasi nagaga filan tahay gododka iyo wax yaabaha ay ka aminsanayeen, oo dhamaantood ku sal leh faal iyo cilmi shaydaan, 

Waxaynu soo qaadaneynaa suugaan ka hadleysa   xidigaha iyo godadka ,kuna soo hal qabsadeen abwaanada soomaaliyeed oo mujineysa cilmiga xidigiska  in uu yahay cilmi  dadku yaqaanay waxaana ka mida kuwan hoos aan ku xusay. 

fanaanka weyn ee soomaaliyeed ee lagu magacaabo cali diiriye (cali gaab) iyo fanaanada aan ka dhicin  ee codka dahabiga leh ( saynab x-cali (baxsan) hesta ay kuwada luuqeeyaan ee la yidhaah (sabaalo) waxaka mida ereyo  abwaanku ku muujineyo waxayna  ku jira beydadka ay saynab  qaadayso,
waa sidan:

Sanadka aynu joogno
Sideed urura weeyaan
Sodon dhacay dirkiisee
Saddex weeye ururkii
Tirro  sagaaloo
Sukra wada fadhiistee
Faalkiiyo ishaartii
Lay siiyey xalaybaa
Suurtoobin waliyee
Sidey noqon alla ogee
Samir aynu lahaanoo

Abwaan xasan ganay isagoo  muujinaya  in uu faal shaydaan ku sal leeyahay 
waxa uu lahaa  sidan .

Fooxlaha faraaciga tarmiyo faal rogrogitaanka
Faruuryahaa runtii diidaye fidiya daacuunka 
Fahan xumada shicibka heshiyo ficilkan yaakeenay ?

Abwaanka weyn ee soomaaliyeed abwaan san gub waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya sukhra sidan.

Sukhra xalay ma aragteen
Inay siyaaday nuurkii
Saakana cadceedii
Ma sinoo gantalaha
Ma badelatay saacii
Sirta dirirku naafaha
Malahelay sansaarada
Sodonkii Ayaan dhalad
Xiddigaha sideeda ah 
Urur diiday saxalkii
Sinta ma isa saareen
Sebannayo jaliyeed 
Ereygii saraaradu
Seermaweydo ma u rogay

Abwaankii weynaa waxa uu ee cabdi gahayr waxa uu yidhi isaguna isagoo ka sheekeynaya godka uu dhashay uguna faanaya dadka sidan.

Afagaale urur soo baxaan uur haween galayee
Hooyadeyna aar gudayey aragtay waagiiye

Waxaan halkaa ku soo afmeeri doonaa cilmiga xidigiska iyo suugaantiisa badan oo aan halkan kuwada soo bandhigi Karin madaamoo abwaankastaa uu ka gabyi jirey, ahayd wax dhaqankeena ahaa oo markasta lagu socon jirey oo lagu dhaqmi jirey.

Qoraa ahmed mouse 
refence buugeyga hiddo koob qaybta tirsiga iiyo cilmiga xidigiska
muse cali farur  barnamij laga duubay  iyo qoraalo u sameeyey  xasan sheekh muumin

Qoraa Ahmed mouse 

axmedcade33@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso