MAXAA U QABSOOMAY XUKUUMADA MADAXWAYNE MUUSE BIIXI MUDO 1 HALSANO AH?


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xilka madaxweynenimo ee Somaliland loo doortay 13 Nov 2017 .

Waxaana uu la wareegay xilka madaxweynenimo 13 Dec 2017 oo loo dhaariyey in uu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee 5 sano ee soo socda.

Maanta waxa hal maalin ka hadhay maalintii uu la wareegay xilka madaxweynenimo ee Somaliland waxaana aanu xilka hayaa 364 cisho, ama hal sano oo maalini ka dhiman tahay.

Haddaba waxa isweydiin leh iyo in lagu xisaabtamo maxaa Madaxweyne Muuse uu qabtay halkaa sano? Waxii laga sugayey maxaa uga qabsoomay? Barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye ee lagu doortay iyo balanqaadyadii oo dadka u sameeyay maxaa uga hirgalay?

Maxaa duruufo ah ee la kulmay mudadaa uu xilka hayey? Iyo su’aalo badan oo kale oo u baahan in aynu jawaabo u helno kulana xisaabtano ayaan u dhaafayaa akhristayaasha.

Aragtidayda hadaan ka dhiibto, Madaxweyne Muuse iyo xukuumadiisa xisbiga Kulmiye wax badan iyo hawlo badan ayaa u yaalay oo laga sugayey, hawlahaasi oo ay qaar ahaayeen mashaariicdii iyo hawlihii ka qabyada ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo ee uu xilka kala wareegay in uu dhamaystiro.

In xukuumada iyo Madaxweynaha cusub ee Somaliland loo doortay laga dareemo dardar iyo firfircooni siyaasadeed oo gudaha iyo dibadaba leh oo kor u qaada rajada iyo yididiilada dadka reer Somaliland qabaan ee ah horumar iyo ictiraaf.

In xukuumada Madaxweyne Muuse ay noqoto xukuumad uu sharcigu sareeyo oo iyaduna ku dhaqanta bulshadana ku soo dabaasha xayndaabka sharciga, korna u sii qaada nabadgalyada iyo kala dambaynta dawladnimo.

Waxa laga sugayey in noqoto xukuumad wax ka qabata dhamaan adeegyada bulshada iyo baahiyaha bulshada ay hogaanka u tahay ee Jamhuuriyada Somaliland. 

Waxa laga sugayey in uu nidaamka doorashooyinka Somaliland ee rafadka iyo jiitanka inagu dilay iyo mudo kordhinta joogtada ah ee qaranka dhaqaale iyo wakhtiba ka lumisay in uu xal ka gaadho oo uu ka duwanaado madaxdii ka horaysay.

Waxa laga filayey in uu sicir-bararka iyo maceeshada dadka ku qaaliga ah oo saameyn ku leh nolosha dadka reer Somaliland wax ka qabto, oo la dareemo is badel nololeed iyo sicir-bararka oo hoos lala dagaalamo.

Waxa laga filayey koboca dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqa iyo qabyaalada oo ah aafooyin iyo masiibooyin horraagan horumarka iyo hore u socodka qaranka Jamhuuriyada Somaliland in uu wax wayn oo la taaban karo ka qabto.

Waxa laga filayey in uu dadka Somaliland uu ku mideeyo horumar iyo meel in ay u wada jeedsadaan maadaama oo lagu tuhmayey waayo aragnimo dad aqooneed iyo dal aqooneed ba, isla markaana uu dhameeyo waxkasta oo khilaaf siyaasadeed iyo mid bulsho ah oo jira ama yimaadaba.

Waxa laga sugayey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland in xukuumadiisu noqoto mid shaqaalaha iyo ciidamada qaranka Somaliland oo dhan wax u soo kordhisa manfac iyo maamuus Kay doonte ha noqoto e, maadaama ay yihiin muraayadii qaranku quruxda iyo qiimahaba ku lahaa.

Waxa laga sugayey xukuumad ay dadka reer Somaliland oo dhami iska dhex arkaan oo tayo leh iyo tiro ahaana kooban, oo la dareemo waxqabadkeeda mudadaa halka sano ah ee uu xilka hayey.

Wax badan oo laga sugayey ama ku jiray balanqaadyadii kaambaynkii doorashadii madaxtooyada ilaa hadda wax muuqda lagama qaban, isla markaana xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Biixi inoomay sheegin duruufaha haysta iyo caqabadaha ay u qaban wayday ama uga gaabisay.

Muhiimada ama ujeedada qoraalkaygu waa in aynu qiimayno oo qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ahi bal isweydiiyo maxaa la qabtay, halkee wax laga qabtay, hadii wax la qabtay yaa qabtay ma dawlada mise cid kale, waxa hubaal ah in la inoo soo bandhigi doono waxqabad waraaqo buuxiya oo la sheegi doono in halkaa sano la qabtay.

Laakiin cida la doonayo in ay iska hubiso waxaa loo sheegayaa in ay dhab yihiin waa dadweynaha reer Somaliland, hadiiba wax la qabtay sidii ay wax u kala muhiimsanaayeen ma loo qabtay, waxa la qabtay ma yahay wax ay dadka reer Somaliland dareemi karaan oo muuqda.

Muhamed Dhimbiil 

Muhamed Dhimbiil 

Advertisement

Ku Xayeysiiso