Shiinaha iyo Canada oo isku khilaafsan xadhigga madaxa shirkadda Huawei, Meng Wanzhou

Dowladda Dalka Shiinaha oo ka jawaabaysa xadhig ay Canada u geystay madaxa shirkada Huawei, Meng Wanzhou ayaa hanjabaad kulul u jeedisay Xukuumadda Tronto,islamarkaana cawaaqib xun ay la kulmi doonto hadii aan la siideynin.

War uu soo saaray Le Yucheng  oo ah Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Shiinaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinuhu ay u yeedhay safiirka Canada u fadhiya Shiinaha,si uu ugu gudbiyo cabasho adag.

Ms Meng ayaa Jimci la hor keenay maxkamad ku taalla Canada,inkastoo dib loo dhigay go’aanka maxakamadeyntaasi,waxaana arrintani ay abuurtay muran diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Codsi ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu xidhay Ms Meng Sabtidii,balse dowladda Shiinaha ayaa si dhaqsi leh uga jawaabtay xadhigaasi,waxaana Mrs Meng lagu eedeeyay in ay jabisay xayiraadii uu Mareykanka ku soo rogay Dalka Iiraan.

Wakan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa isna lagu sheegay in aanay jirin eedeyntaasi oo ah in sharci ay jebisay Miss Meng,lamana oga go’aanka ugu dambeeya ee maxakamadeyntaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso