Laamaha ammaanka Mareykanka oo baadhaya meydka labo Hablood oo Soomaali ah oo shil ku dhintay

Hablo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay Dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baadhitaano ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi gaadhi oo ka dhacay Gobolka Ohio ee dalkaasi.

Ehelada Hablalahan ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaadhay Inan kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo la dhalatay hablahaasi shilkaasi ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay haatan hayaan xogo ku saabsan in gaadhiga oo xawaare ku socday uu ku dhacay gaadhi kale,balse ay baadhitaano dheeraad ah haayaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi Mareykanka ayaa dareen naxdin leh ka muujiyay geerida hablahani,waxaana la qorsheynayaa in meydkooda la aaso,waxaana ay xilligaasi ku guda jireen booqashada qaar ka mid ah eheladooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso