Dalxiiskii Madaxweynuhu Deelqaaf iyo         afxumuu Dalkii kusoo kordhiyey.

Siddii uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa oo ciddi ka maqnayn askar iyo dharcadba ay u cidleeyeen xafiisyadii iyo xeryihii, Una gabeen hawshii ay qaranka u hayeen, iyagoo kaxaystay wixii gaadiid qaranku lahaa iyo iskarogooyin ay dhagaxaan ku rarteen, Una kicitimeen socdaal taxtaxaash ah gobolada bariga DHEXE ee Somaliland,si uu Mudane Muuse Biixi usoo baro oo uu indhaha ugu soo jeexo xukuumadiisa habeedada qabta ee Carada wax jira iyo caalamkaba lasocon.

Se hubaal wuxuu noqday socdaalka madaxwenuhu mid shacabkii reer Somaliland indhaha u furay oo ay ogaadeen in Masuuliyiinta Mudane Muuse igmaday ee uu horkacayaa  ay yihiin kuwii ugu hadal, anshax, dhaqan, masuulnimo, dulqaad, sharaf, himilo, han iyo hawraar liitay uguna gurucnaa ee abid soo mara jamhuuriyada Somaliland.

Iyada oo aan lasoo koobi karin waxyaabaha sharaf dhaca ahaa ee hore loogu arag madax qaran inay ku kacaan iyagoo ku sugan goob gole ah oo saxaafadii joogto kuna hayaan sawir qaadayaasha Shaashadaha laga fiirsado, siddoo kale shacab tiro badanina joogeen oo weliba madaxweynihii qarankuna xaadir ahaa ay aflagaado iskugu geystaan madaxi si qalafsan oo ka dheer milgaha masuul iyo  maamuuska madaxnimo, sida odhaahdii guracnayd ee gefka qayaxan ahayd ee SHADHAAB! (shut up), Taas oo masuul sax is yidhi masuulkii kale kalmadaa ku yidhi ahayd afkaaga xidh!, odhaahdaa gafka ahayd ee guracnayd ee masuulka afkiisa kasoo yeedhay madaxweynuhu muu dhibsan se wuu u Dhoolo cadeeyey Intii ku xeernaydna wey ku dareen, Taas oo amakaag ku noqotay ummadii goobjoogayaasha ahayd ayna U fasirteen in habdhaqankan qalafsan ee askartii macangaga ahayd ee qarnigii tegey ku dhaqmi jirtay inuu sal u yahay xukuumada madaxweyne Muuse oo lagu carbiyey laguna horjoogo masuuliyiintan, sidoo kale waxay

U garawsaadeen in Cabashooyinka shacabku soo tabin jireen ciddii madaxweynaha u sheegi lahayd siddoo kale lagu yidhi weedhaa, Ileen waataan warcelin madaxweynaha laga waayey e, se hubaal waxay ummadu soo wadatayba xaalku waa Shadhaab hadal kama danbayn!.

Waxa jirtay iyana in taariikhda markii ugu horaysay dalkii gobolo dhedig iyo lab lagu kala sheego madaxweynihiina lagu soo dhaweeyo lana yidhaa kusoo dhawoow gobalka raga iyo sidoo kale gobalka odayaasha.

Waa wax lalayaabo runtii se hadduu Madaxweynuhu ogolaaday in uu tegey gobolkii raga iyo kii odayaasha, malaha socdaalka kan xiga wuxuu u taxtaxaash tegidoono gobolka dumarka iyo gobolka habraha!.

Isku soo wada duub oo hubaal Dalxiiskii Madaxweynuhu Deelqaaf iyo afxumuu dalkii kusoo kordhiyey.

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso