Qatar oo tababar uga furmaya dhallinyaro ka socota Carabta iyo Yurub

Dhallinyaro ka socota Jaamacadda Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ayaa maanta ka qeybgalaya tababar afar cisho ah ay soo qaban qaabiyeen Waaxda Arimaha Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Sportiga ee dalka Qatar.

Tababarkan oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada caasimadda ah ee Doha waxaa ka qeybgalaya 40-dhallinyaro oo ka kala socota 11-dal oo Carab ah sida,Soomaaliya, Djibouti, Algeria, Iraq, Morocco, Yemen, Comoros, , Oman, Palestine, Lebanon, Libya, Qatar,halka kuwa Yurub ay ka socdaan Portugal, Macedonia, Montenegro, France, Norway, Sweden, Italy, Estonia, Czech Republic, Malta, Russia, Latvia, Greece iyo Germany

Waa markii ugu horeysay tabar noocan oo kala ah lagu qabto gobol Carbeed,waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa kaalinta dhallinyarada ee xagga maamulka  arrimaha bulshada,iyadoo mudada uu socdo looga hadli doono sidii dhallinyarada haweenka ah ee labadaasi dhinac ay u heli lahaayeen xuquuq ku filan.

Tababarkaan oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kaalinta hoggaaminta dumarka waxaa macalimiin ka noqonaya haween ka socda Qatar iyo Yurub,iyadoo ka qeybgalayaasha ay booqan doonaan Matxafka Msheireb ee dhinaca dhaqanka Islaamka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso