Bangaladesh: Rohingya laguma qasbi karo in ay ku laabtaan Mayanmar

Guddi u xilsaaran kaalmada iyo dib u celinta muslimiinta Rohingya ayaa sheegay in si qasab ah aan loo celin doonin     boqolaal kun oo ruux oo ka soo cararay xasuuqii ka dhacay dalka Myanmar,isla markaana haatan ku sugan dalka Bangaladesh.

“ma jiro qof si qasab ah loo celinaayo siidaasi waxaa yidhi,” Abul Kalam oo intaa raaciyay in dadkaasi ay ka soo badbaadeen cadowtinimo ay u muujiyeen ciidamada Myanmar,sidaa daraadeedna waa wax iska caadi ah in ay jiraan cabsi ay ka qabaan dib u noqoshada dalkaasi..

Bangakadesh ayaa maanta oo Khamiis ah qorsheyneysay in ay dib u celiyaan 2,260 –ruux ka dib heshiis laba dhinac ah oo ay wada gaadheen dalkaasi iyo kan kale ee Barma bishii October ee la soo dhaafay .

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo hey’adaha samofalka  ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabada dib loogu celinayo muslimiinta Rohingya ,waxayna  sheegeen  in aan lagu qasbi Karin ku noqoshada dalka Myanmar

Advertisement

Ku Xayeysiiso